Somaliland Oo U Jawaabtay Soomaaliya

0
417

Xukuumadda Somaliland ayaa si kulul uga hadashay Qoraalkii shalay kasoo baxay Dowladda Soomaaliya, kaasi oo lagaga hadlay xidhiidhka muddooyiinkii u dambeeyay dhexmarayay dalalka Somaliland iyo Taiwan.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay inay aad uga xun yihiin hanjabaadaha dowladda Soomaaliya ay ku heyso dowladaha xidhiidhka wanaagsan la leh Somaliland.

Qoraalka oo ku qornaa Luuqada Ingiriiska ayaa waxaa lagu sheegay in marnaba ayna ogolaan doonin in fara-gelin siyaasadeed lagu sameeyo Arrimaha Dibadda Somaliland.