Madaxweyne Afrikaan Ah Oo Is Casilay Sidoo Kalena Kala Diray Baarlamaankii Waddankiisa

0
572

Madaxwaynihii Waddanka Mali ee Galbeedka qaaradda Afrika Ibraahim Boubacar Keïta ayaa iscasilay, ka dib markii ay shalay xidheen militariga dalkaasi, waxaana uu sidaasi ka sheegay telefishinka qaranka dalka Mali oo si rasmi ah u baahiyay is casilaadda Madaxweynaha ee khasabka lagaga dhigay kadib markii ciidanka dalkiisu ku gadoodeen.

Khudabad uu telefishinka ka jeediyay ayuu Madaxweyne Keïta waxaa uu sheegay in sidoo kale uu kala diray baarlamaanka dalka.

“Waxaan doonayaa in uusan dhiig u daadin si aan awoodda u sii hayo,” ayuu intaa ku daray.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa saacado uun ka dib markii isaga iyo rai’sul wasaarihi dalkaasi Boubou Cissé la xiray islamarkana la geeyay saldhig militari oo ku yaalla caasimadda Bamako.

Tallaabadda militariga ayaa waxaa cambaareeyay dalalka gobolka iyo dowladda Fransiiska .

Mr Keita ayaa ku guuleystay doorashadii Mali ka dhacday sanadkii 2018-kii, laakiin waxaa tan iyo markaas taagneyd caro ku saabsan musuqmaasuqa ka jira waddanka, maamul xumo dhinaca dhaqaalaha ah iyo xaaladda amni ee kasii dareysa.

Kooxo jihaad doon ah oo waddankaas ka dagaallama ayaa qeyb ka ah amni darrada.

Faransiiska, oo horay u gumeystay Mali, ayaa milatariga ugu baaqay inay gadoodka joojiyaan, xeryahoodana ku noqdaan
Faransiiska, oo horay u gumeystay Mali, ayaa milatariga ugu baaqay inay gadoodka joojiyaan, xeryahoodana ku noqdaan

Waa Maxay Sababta Ay Ciidamada Milatariga Mali gadoodka u sameeyeen?

Waxaa militariga talada la wareegay hogaaminayay Col Malick Diaw oo ah ku xigeenka madaxa saldhigga Kati – iyo abaanduule kale oo lagu magacaabo , Gen Sadio Camara, sida uu sheegay wariyaha BBC Abdoul Ba oo ku sugan magaaladda Bamako.

Markii ay saldhigaasi oo u jira 15 KM caasimadda Bamako ay la wareegeen ayaa waxay ka dib so galeen caasimadda dalkaasi oo dad ku faraxsan tallaabadooda ay soo dhaweeyeen.

Shalay oo Salaasa ahayd ayay Milatariga waddankaasi xabsiga u taxaabeen madaxweyne Ibrahim Boubacar Keïta.