Waddanka Taiwan Oo Xafiis Rasmi Ah Ka Furtay Caasimadda Somaliland Ee Hargeysa

0
364

Xukuumadda waddanka Taiwan ayaa maanta si rasmi ah xafiis cusub oo diblumaasiyadeed uga furatay Caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa.

Hir-gelinta xafiiskan ayaa yimid, kadib markii ay dhowaan heshiis rasmi ah ay kala saxeexdeen Somaliland iyo Taiwan oo wakiilo is-dhaafsaday.

Munaasabad ballaadhan oo lagu daah-furayey xafiiska ay Taiwan ka furatay Caasimadda Hargeysa ayaa lagu qabtay dhismaha cusub ee xafiiskaasi Hargeysa ku yeelan doono oo ku yaalla xaafadda Shacabka ee Hargeysa, Agagaarka Wasaaradda Arrimaha Dibadda, waxaana ka qeyb-galay wasiiro ka tirsan xukuumadda Madaxweyne Biixi, Xildhibaano iyo Marti-sharaf kale.

Xafladda Daah-furka Munaasabaddan Waxaa sidoo kale dhinaca Khadka Internet-ka uga qeyb-galay xafladdaasi wasiirka arrimaha dibadda Taiwan, wuxuuna sheegay inuu si aad ah ugu faraxsan yahay furitaanka xafiiskaasi ay Taiwan ku yeelan doonto waddanka Somaliland.

Dhankooda wasiirada Somaliland ee madasha ka hadlay ayaa tilmamay in xafiiskan uu sii xoojin xidhiidhka ka dhexeeya labada dawladood ee Somaliland iyo Taiwan oo waxyaabo badan wadaaga.