Xildhibaan Waabeeye Oo Xisbiyada Qaranka Ku Eedeeyay Jaho-wareer Siyaasadeed

0
443
Hoggaanka Xisbiga KULMIYE Oo Soo Dhaweeyey Xildhibaanno Iyo Taageerayaal Kasoo Jeeda Degmooyinka Qori-lugud Iyo Wadaamo-goo Oo Kasoo Digo-rogtay Xisbiga WADDANI
Hoggaanka Xisbiga KULMIYE Oo Soo Dhaweeyey Xildhibaanno Iyo Taageerayaal Kasoo Jeeda Degmooyinka Qori-lugud Iyo Wadaamo-goo Oo Kasoo Digo-rogtay Xisbiga WADDANI

Xildhibaan Waabeeye Oo Xisbiyada Qaranka Ku Eedeeyay Jaho-wareer Siyaasadeed

Xildhibaan Maxamed Yuusuf Waabeeye oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiillada ayaa golaha wakiilada ka difaacay inaanay lahayn eedda dib u dhaca doorashada.

Xildhibaanka oo ka qayb-galay doodda Ajandaha kal-fadhiga 43-aad ee Golaha Wakiillada Somaliland ayaa sheegay in siyaasadda Xisbiyada ee ku waajahan doorashadu yahay mid aan sugnayn. Xildhibaanka oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Xisbiyada Qaranka waxaad mooddaa inay iyagu wakhtiga qabtaan haddana Komiishanka sugayaan, Xisbiyada waxaad mooddaa inay la shirayaan Safiirka Midowga Yurub, isagiina uu odhanayo Kootada Haweenka hala ansixiyo, haddana iyagii ay odhanayaan Kootada xilligan lagama gaadhsiin karo, Xisbiyadu iyagoo Xubnahooda Komiishanka marna la baxa marna ku soo dara, Xisbiyadu mar iyagaa yidhaahda Komiishanka 9 Xubnood nooga dhiga, marna 7 ogolaada.”

Xildhibaan Waabeeye waxa kale oo uu sheegay “Xisbiyadu iyagaa yidhaahda Doorashada waxa qabanaya Komiishanka cusub oo lagu daray Komiishankii ka sii horreeyay, Saddex Gaal, Mid Madow oo laga daba-geeyo, haddana igagaa diidaa. Xisbiyadu iyagaa heshhiiya, haddana igagaa is laaya, Xisbiyadu marna iyagaa Riyo-raac diida, marna ogolaada.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey oo uu tilmaamay inuu uga jeedo inuu caddeeyo in Golaha Wakiilladu aanu sabab u ahayn dib u dhaca doorashada “Waxaas oo hawl ahi wax inaga ina khuseeya maaha, laakiin waxaan uga jeedaa in aynaan khaladka doorashada (Dib u dhaceeda) lahayn…”