Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlay xadhiga Universal Tv

0
472

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Jamhuuriyada Somaliland, ayaa faahfaahin ka bixiyey sababta ay dawladdu ula wareegtay xarunta Telefishanka Universal uu ku lahaa magaalada Hargeysa.

Ciidanka Booliska, ayaa albaabada u laabay xarunta guud ee telefishankaasi uu ku lahaa magaalada Hargeysa, taasoo laga maamulo Wakiillada u jooga Somaliland.

Saleeban Yuusuf Cali Koore oo waraysi siiyey laanta Afka Soomaaliga ee Idaacada BBC-da, ayaa sheegay in Telefishanka la xayiray uu diidday in uu baahiyo khudbadii madaxweynaha Somaliland jeediyey munaasibadii xuska maalinta xoriyada ee 26 June.

Wasiirka ayaa sheegay in hore uu khaladdaad u galay Telefishankaasi, kuwaasoo xal laga gaadhay, hase yeeshee uu si cad u diidday baahinta munaasibad qaran oo xaq loogu lahaa in ay ka helaan dadka reer Somaliland, taas bedelkeeda ay go’aansadeen xukuumad ahaan in ay talaabo ka qaadaan maadaama uu u hogaansami waayey siyaasadda Dawladda.

“wuxuu diidday in uu baahiyo khudbadii madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland jeediyey 26 june ee dastuuriga ahayd, waxaanu waydiinay in uu baahiyo si cad ayuu u diidday, horena wuxuu u galay dambiyo taas lamida oo aanu digniino iyo wadahadalba uga samaynay”.

Wasiirka ayaa sheegay “maadaama uu diiday in uu baahiyo munaasibadii 26 june, annaguna ruqsadii uu Somaliland kaga shaqaysanayey ayaanu laalnay”ayuu raaciyey.

Wasiirka ayaa ku adkaystay in hay’ad kasta oo warbaahineed oo gaar loo leeyahay xaq qaranku ugu leeyahay in ay kala qayb-qaataan maalmaha dabaal-degyayada “waanu ognahay in uu yahay Shirkadda qof leeyahay, laakiinse maalinta qaranka cid kastaaba waa in ay qayb ka noqotaa dhacdooyinka socda iyo dabaal-degyada”.

Wasiir Koore ayaa si adag u difaacay dariiqa xadhiga Telefishanka Universal, waxaanu sheegay “Anagu uma haysano hanti dawladdeed ee Hawada uu ku shaqaysanayo, deegaanka uu ka shaqaysanayo, codka uu ku shaqaysanayo iyo hantida faa’idada ah dhulka uu ka samaynayaa waa Somaliland. maalmuhu waa 365 maalmood, haddii uu diiddo 5 maalmood amma saddexda maalmood ee qaranka in uu baahiyo, aniguna 360 maalmood ee kale ayaanu u diidaynaa”.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland waxa uu sheegay in Telefishanka kale ee Star oo isna Khamiistii la xidhay xafiiskiisa loo haysto arrimo la xidhiidha xad-gudubyo uu ka galay shuruucda iyo nabad-gelyada dalka.

Telefishanka Universal oo kamida Warbaahinta Maqalka iyo Muuqaalka kuwooda ugu waaweyn ee dhulka Soomaalida ka shaqeeya, xaruntiisuna ay tahay cariga Ingiriiska, ayey dhowr jeer oo hore isku-dhaceen Dawladda Somaliland, kaddib markii uu baahiyey warar iyo barmaamujyo ay qaarkood ahaayeen dacaayado lagu bartilmaameedsaday masuuliyiin iyo warbixino Hay’adda xukuumaddu u arkeen hurin nabad-gelyo daro.