Dahabshiil Oo Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Ku Wareejisay Mashiinno Caafimaad & Ambalaas

0
574

Shirkadda Dahabshiil Oo Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Ku Wareejisay Gaadiid iyo Agab Caafimaad

Shirkadda Dahabshiil Group ayaa wasaaradda caafimaadka ee Somaliland ku wareejisay agab caafimaad oo wax lagaga qabanayo caabuqa COVID 19 iyo gaadiid kuwaas oo shirkaddu hore u ballanqaadday.

Maamulaha Xawaaladda Dahabshiil Md Cabdirashiid Faarax oo hadal ka jeediyay madasha qalabka lagu wareejiay ayaa sheegay in xayiraadda Corona Virus ee Dunidu dib u dhigay agabka shirkaddu ballanqaadday wajiga koobaadna ay wareejinayaan agab muhiim ah oo ka kooban gaadhi Ambalaas ah, mashiinka lagu baadho caabuqa COVID 19 iyo laba mashiin oo kuwo Ogsajiinta dhaliya ah degdegna naqaska uga soo saara qofka feeraskani asiibo.

Haddii aanu nahay shirkadda Dahabshiil Group waxa sharaf noo ah in aanu agaasimaha iyo wasiirka caafimaadka ku wareejino qalabkii shirkaddu ballanqaadday wajigii 1-aad. Agabka shirkaddu ballanqaadday wuu soo socda waanu kala dambeeya waxaana sababay gaadiidka iyo COVID 19 oo Dunida kala xayiray oo diyaaradihii xayiran yihiin oo Maraakiibtii xayirantay ayaa sababtay in qalabkii mar wada iman markaa waxa aanu go’aansanay in hadba qalabka yimaadda wareejino maaddaama baahi weyn loo qabo,” ayuu yidhi mudane Cabdirashiid Faarax.

Waxa uu intaasi ku daray “Qalabka aanu imika wareejinayno xattaa gaadhiga Ambalaaska ah marka lagu daro wuxuu qiimihiisu maraya laba boqol oo kun dollar($200,000),  wixii aanu hore u bixinay ee kaash ahaa mooye qalabkii kalena wuu soo socda. Maanta waxa aanu wasiirka iyo agaasimihiisa ku wareejinayna iyaguna halkii ay ugu talo galeen ku wareejin doonan Mashiinka weyn ee dadka lagu baadho ee PCR, gaadhi Ambalaas ah iyo laba mashiin oo kuwo ogsajiinta dhaliya degdegna qofka naqaska uga saara ah.”

Wasiirka horumarinta  caafimaadka ee Somaliland ayaa shirkadda Dahabshiil Group ka guddoomay qalabka caafimaad islamarkaana si weyn ugu mahadceliyay “Waxa tallaabadan Dahabshiil muujinaysa muhiimadda isku tashiga iyo in bulshadu ku xisaabtanto awooddeeda dhaqaale iyo xooggeeda in aynu si fudud uga guulaysan karno dhibaatada ina soo foodsaarta inaga oo kharashka ugu yar isticmaalayna wakhtiga ugu dhawna kaga hawlgalayna. Waxaanu la wareegayna gaadhi ambalaas ah, laba mashiinnada neefsiga caawiya ah iyo mashiinkii xanuunka lagu baadhayay,” ayuu wasiirku yidhi.

Wasiirku waxa uu intaasi ku daray “Mashiinkani waa mashiin muhiim ah oo ka qayb qaadanaya baadhista COVID 19 waxaana la dhigi doona magaalada Burco, markii shirkaddu agabka ballanqaaday ayaanu qorshaynay in Burco la dhigo, markaa shirkadda aad iyo aad baanu ugu mahadcelinayna waxaanu leenahay waanu idinka guddoonay, qalabka kalena marka uu yimaaddo meelaha loo qorsheeyay ayaa la gayn doona.”

Kusimaha guddoomiyaha gobolka Togdheer ayaa isna wasaaradda Caafimaadka kala wareegay qalabkan Dahabshiil ku deeqday waxaanu yidhi “Runtii waxa maanta nalagu wareejiyay oo aanu inbadan u qaylinaynay haddii aanu nahay reer Burco ama gobollada Bari mashiinkii lagu baadhayay xanuunka iyo agab kaleba, Shirkadda Dahabshiilna aad iyo aad baan ugu mahadcelinaya.”