Nin Ka Mid Ah Dadka Hargeysa Loogu Karantiimeeyay Ka Hor-tagga Coronavirus Oo Bixiyey Xog Cabsi Leh

0
861

Xirsi Ducaale Cabdiqaadir oo ka mid ah Qurbe-joogga Somaliland ee ka soo laabtay Dalka UK isla-markaana ka mid ah Dad gaadhaya illaa 65 oo Dawladdu karantiishay, si muddo 14 Maalmood ah loo hubiyo inay qabaan xanuunka Covid_19, ayaa ka warramay sidii loola dhaqmay markii ay Hargeysa ka soo dageen illaa xilligan oo ay ku jiraan Huteel ku yaalla Caasimadda.

Xirsi Ducaale wuxuu walaac ka muujiyey dayac uu sheegay inuu ka jiro habka loo maamulayo Dadka dalka dibeddiisa ka yimid ee Xukuumadda Somaliland karantiishay markii ay ka soo degaan Garoonka diyaaradaha ee Hargeysa dhammaadkii toddobaadkii hore.

Ninkan oo sheegay inuu ka yimid Magaalada London, ayaa sheegay in markii diyaaraddu keentay Hargeysa la geeyay meel Hangar ah oo ay yaallaan illaa 4 Sariiradood, lix saacadood ka dibna Basas lagu geeyay Huteelka Royal oo ku yaalla galbeedka Magaalada Hargeysa, laakiin markii ay gaadheen aanay kula kulmin Wasiirro markii hore loo sheegay inay ku sugayaan, hase-ahaatee markii dambe ay is qabsadeen Mulkiilaha Huteelka iyo Dadka Mastaafurka ahaa, ka dib markii Mulkiiluhu uu u sheegay in Qof sariirta bixiya 50 dollar mooyaane aanu Qof kale seexan Karin Huteelkiisa, arrintaasi oo uu xusay inay caqabad ku noqotay.

Xirsi Ducaale oo ka warramay Safarkiisii iyo wixii dhacay markii uu Hargeysa soo gaadhay ayaa hadalkiisa ku bilaabay “Shalay baanu London ka soo duulnay, Addis ababa ayaanu ku hakanay, Garoonka diyaaradaha ee Cigaal ee Hargeysa waxaanu soo fadhiisanay 1:30PM duhurnimo, markaanu soo fadhiisanay waa lana kaxeeyay, waxa lana geeyay meel Madaarka ku dhow oo Hangar weyn ah Annaga oo Lixdameeye ah, halkaa waxaanu ku jirnay illaa lix saacadood, dabadeed waa la noo yimid oo waxa la nagu yidhi waxa la idiin diyaarinayaa huteello aad degtaan, dabadeed waxaanu nidhi Huteellada yaa bixinaya, yaa masuuliyaddayada qaadaya, way diideen inay noo sheegaan, 8-dii habeennimo ayaa la noo keenay Basas, Niman Boolis ahina way noo yimaaddeen, waxa la nagu yidhi Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Wasiirradii kale waxay idinku sugayaa Huteelka la yidhaahdo Royal ee ku yaalla Galbeedka Hargeysa, markii aanu sidaa u soo degnay intii na waddayba way naga baxsadeen, Wasiirro ugumaano iman, Cid kalena ugumaanu imanin, halkii baanu haddana isku qabsanay Booliskii, Ninkii meesha lahaana wuxuu yidhi haddaan Qof walba aanu 50 dollar bixin sariirtii ma soo gelayo.”

Ninkan oo la waydiiyey waxay ku diiddan yihiin in la karantiilo, maaddaama oo ay ka yimaaddeen Dalal uu xanuunka Coronavirus ka jiro, si Bulshada inta badan loo bedbaadiyo, ayaa ku jawaabay “Ma jirto waxaanu ku diiddanahay (Karantiilka), laakiin waxa nagu adag waxa weeyaan Huteellada lana keenay qaarkood waa 50 dollar Sariirtu, qaarkood waxa yaalla Qolalka laba laba Sariiradood oo waxa la yidhi waa boqol dollar. Haddii la doonayo in lana karantiilo waxa jira Huteello toban toban dollar ah, waxa jira guryo kale oo qofkiiba uu 15 Dollar iska bixin karo, markaa Annagu diyaar baanu nahay (Karantiilka), Waayo? Ma doonayo inaan Xanuun u geeyo Carruurtayda iyo Waalidkayga, laakiin waxaanu doonaynaa Nidaam.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu Dawladda u soo jeediyey inay Muwaadiniinta dalka ku soo noqonaya ee la doonayo in la karantiilo loo diyaariyo adeegyada lagama maarmaanka ah, sidoo kalena Dadka qaabilaya la siiyo adeegyo ku filan si ay uga bedbaadaan xanuunka “Waxaan soo jeedinayaa, Muwaadin kasta oo halkaa ka soo degaya (Madaarka Hargeysa) waxa wanaagsan in lagula dhaqmo nidaam iyo sharci. Dadka waa in wax loo soo dirayaa, sida Ambalaasyo.”

Xirsi Ducaale Cabdiqaadir wuxuu walaac ka muujiyey dayac uu sheegay inay ku sugan yihiin hawl-wadeennada Dadka la karantiilayo, sida kuwa Gaadiidka ku qaada, kuwa Huteellada ku soo dhaweeya “Dadka na kaxaynayey qof qalabkii difaaca gashanaa kuma jiro, kuwa Basaska nagu waday, Huteelka lana keenay kuwa ka shaqaynaya ee Cuntada na siinaya Cid u diyaar-garowday oo gashan (Wixii xanuunka la isaga difaacayey) ma jirto.”

Ugu dambayn, muwaadinku wuxuu sheegay inaan shaqaalaha Caafimaadka ee Madaarka Cigaal markay hubiyeen heerka Xummaddooda, aanay ka qorin Xogo kale, si hadhow hadday wax soo baxaan loola socon karo “Bahashaa yar ee la nagu eegay (Xumaddayada) mooyaane, xog kale la nagama buuxin, sida Magacaa, halkeed ka timid, Xanuunkan ma qabtaa…”ayuu yidhi, Xirsi Ducaale oo u warramay Telefiishanka Universal.