Wasiirka Arrimaha Dibadda Oo Beeniyay Warka Sheegaya In Dawladda Itoobiya Joojisay Saamigii 19% Ee Ay Ku Lahayd Dekedda Berbera

0
659

Wasiirka arrimaha dibadda JSL Md. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa beeniyay war uu toddobaadkan daabacay wargeyska Capital ee ka soo baxa magaalada Addis Ababa oo nuxurkiisu ahaa in dawladda Itoobiya joojisay saamigii 19% ee ay Itoobiya ku lahayd horumarinta dekedda Berbera.

Wargeyska Capital oo warbixin dheer ka qoray qorshe ay Itoobiya ku doonayso inay deked kaga samaysto dalka Suudaan, ayaa wuxuu gunaanadka warbixintiisa ku sheegay in Itoobiya ay saami dhan 19% ku lahayd horumarint dekedda Berbera, wuxuuse sheegay in toddobaadkan la soo wariyay in mashruucaas gebi ahaantiiba la joojiyay. “Itoobiay waxay saami ah 19% ka qaadatay horumarinta dekedda Berbera, laakiin waxa toddobaadkan la soo weriyay in mashruuca si buuxda loo joojiyay.” Ayuu wargeysku ku yidhi warbixintiisa.

Hase yeeshee wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Md. Yaasiin Xaaji Faratoon, oo uu wargeyska Geeska Afrika telefoonka wax kaga weydiiyay jiritaanka warkan, ayaa isagoo ku sugan magaalada Nayrobi ee dalka Kenya, wuxuu sheegay inuu warkaasi yahay mid been abuur ah, “Arrintaas la leeyahay waxa qortay jariirad Itoobiya ka soo baxda, wax alaale iyo wax ka jiraa ma jirto, waa arrin been ah oo aanaan garanayn waxa Jariiradaasi ka leedahay. Markaas ma jirto wax iska beddelay mowqifkii Itoobiyta ee dekedda Berbera.” Sidaas ayuu yidhi Wasiir Faratoon, waxaanu intaas raaciyay “Markaas wax is beddel ah oo ku dhacay heshiiskaasi ma jiro, wax iska bedelay mawqifkii dawladda itoobiya ee arrintaasina haba yaraate ma jirto, mana garan karo waxa faafinta warkaas ay jariiradu ka lahayd, waxaanse kuu xaqiijinayaa inaan warkaas waxba ka jirin, dawlada itoobiyana ka wada socono.”