Magacyada Guddiga Qaban-Qaabada Shirweynaha 4-Aad Ee Kulmiye Oo Lagu Dhawaaqay

0
596

Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE, Axmed Cabdi Dheere ayaa shaaciyey Magacyada Guddiga qaban-qaabada Shir-weynaha 4-aad ee Xisbigaasi.

Guddoomiye Axmed Cabdi Dheer oo Shalay Saxaafadda kula hadlay Xafiiskiisa Hargeysa ayaa sheegay in fadhi ay yeesheen guddiga fulinta ee Xisbiga KULMIYE ay ku ansixiyeen 14 xubnood oo noqonaya Guddiga qaban-qaabada Shirweynaha 4-aad ee KULMIYE, kaasi oo loo muddeeyay horraanta bisha lixaad.

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee KULMIYE oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu hadalkiisa ku bilaabay sidan “Waxaanu muddooyinkii u dambeeyay ku mashquulsanayn inaanu qabano Shir-weynihii 4-aad ee Xisbiga KULMIYE oo foodda nagu soo haya, waxaanu u muddaynay bisha June horraanteeda, haddii Allaah yidhaahdo, Guddiga fulintuna waxay Maanta (Shalay) ansixiyeen guddigii qaban-qaabada ee Shirweynaha 4-aad ee Xisbiga KULMIYE.

Guddiga qaban-qaabada ee ay Guddiga fulintu ansixiyeen waxay ka kooban yihiin 14 Qof oo kala ah:-

Cabdikariin Axmed Maxamed
Dr. Maxamed Cabdi Carabayte
Axmed Faarax Cadarre
Cali Xaamud Jibriil
Cali Maxamed Cali
Axmed Cabdi Kijaandhe
Maxamed Cabdillaahi Cabsiiye
Maxamed Ibraahim Madar
Axmed Nuur Faahiye
Khadra Jaamac
Maxamed Muuse Abees
Faysal Cumar Madar
Ismaaciil Jaamac
Naasir Ayjeex Jaamac
Guddoomiye ku-xigeenka labaad, ma sheegin Maalin cayiman oo la qabanayo Shir-weynaha 4-aad ee KULMIYE, balse wuxuu sheegay in loo muddeeyay shirka bisha June, sidoo kalena ma soo hada-qaadin Goobta lagu qaban doono.