Xildhibaan Nacnac Oo Maamul Goboleedka Puntland Digniin Culus U Diray

0
436

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa Maamul Goboleedka Puntland uga digay daan-daansi iyo inay ku soo xad gudbaan xuduudka Somaliland.

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Xadka Somaliland waa mid macruuf ah, oo la wada garanayo, Wadan kastaana wuxuu xaq u leeyahay inuu xadkiissa iyo xuduudkiisa ilaashado, cid kasta oo xad gudub ku soo sameeysana uu wixii la gudboon mariyo, Maamul Goboleedka Puntland wax ka maqani ma jiro, ee gardarada ka joojiyo, haddii kale oo ay xad gudubka joojin wey ka qoomamayn doonaan, Ciidamada Qarankana waxaan leeyahay mar walba waa inaad heegan ahaatan, oo dadkiina iyo dalkiina cadawga ka difaacdan”.

Mar uu baaq u diraayey laba Beelood oo wada deegaanka Gobolka Sanaag ayaa yidhi “Dahab, Adduunyo iyo Shilin la isku dilo, waa akhiro xumo, ee qof walba calamkiisa ha wajaaniyo, oo ALLE nasariis iyo khatumo wanaag ha ka baryo, labada Beelood ee is laayeyna waxaan leeyahay yaanu cadawgu idinka faa’iidaysan ee dagaalka joojiyo”