Guddoomiyihii Maxkamadda gobalka Sool oo qarax lagu dilay

0
382

Alle haw naxariiste guddoomiyihii maxkamadda gobalka Sool Marxuum Xasan Sheekh ayaa galabta lagu dilay qarax loogu xidhay baabuurkiisa, magaalada Lascanod.

Ma jirto cid si rasmi ah u sheegatay qaraxa guddoomiyaha lagu dilay, laakiin qaraxyada noocan ah ayaa muddooyinkii dambe aan lagu arag magaalada Lascanod.

Ma jiro wax war ah oo ay dawladda Somaliland ka soo saartay geerida sarkaalkan u sareeyay maxkamadda gobalka Sool.