Proff Cali Khaliif Oo Ka Hadlay Dayaca, Baahiyaha Ka Muuqda Iyo Dawlad La,aanta Haysata Shacabka Hargeysa

0
467

Proff Cali Khaliif Oo Ka Hadlay Dayaca, Baahiyaha Ka Muuqda Iyo Dawlad La,aanta Haysata Shacabka Hargeysa
Madaxweynaha maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galaydh ayaa ka hadlay dayaca iyo baahiyaha ka muuqda magaalada Hargeysa ee caasimada somaliland.

Proff Cali Khaliif oo ka hadlayey madal lagu soo bandhigayey buuga wariye Axmed Siciid Cige ayaa sheegay in shacabka magaalada Hargeysa aanay wali helin dawlad fiican oo u shaqaysa isla markaana wax kala qabata baahiyaha ay qabaan.

Proff Cali Khaliif oo arimahan ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi “Magaaladan Hargeysa imika mudo ayaan joogay waligayna hore umaan joogin todobada cisho oo isku xiga intii aan arimaha khaatumo u imid ka hor, magaaladana uma badni oo meelaha laysku arko kuma badni laakiin hadana waxyaabo yaab leh oo dadka magaalada ku nool ay leeyihiin ayaa jira, dadkana waxaan kala kulmay kalgacayl, xushmad iyo tixgelin badan.”

Proff Cali Khaliif oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in shacabka Hargeysa u baahan yihiin dawlad wanagsan oo baahiyahooda wax ka qabata “Magaalada waxaan ku arkay oo aad ii soo jiitay gobonimo aan u qirayo shacabka magaaladan Hargeys, waxaanan rajaynayaa inuu ilaahay ku manaysto dawlad jidadkana u dhista biyahana laga haqab tiro intii ay iyagu qabsan karayeen way qabsadeene.”