“Madaxweynuhu Siyaasadda Wuu Ku Hafiyay Xisbiyada Mucaaradka”

0
393

Siyaasi Ismaacil Hure Buubaa ayaa sheegay in madaxweyne Biixi oo taariikh ahaan ah nin milatari ah uu siyaasada ku hafiyay asxaabta mucaaradka ah, isla markaasna uu haatan galay dib u gurasho xeelad dagaal.

Muuqaal kooban oo laga sii daayay waraysi dheer oo tilifishanka Universal uu ka qaaday siyaasi Ismaacil Buubaa waxa uu ku yidhi “ Muuse hada waa nin siyaasi ah laakiin taariikhdiisu waa milatari waxaan u arkaa dib u gurasho xeelad dagaal, taatiko, runtiina waa uu ku hafiyay asxaabtii.”

Ismaacil Buubaa ayaa sida oo kale madaxweyne Biixi ku dhaliilay inuu xisbi madax ka yahay isaga oo ah madaxweynii qaranka “ Badi dawladaha kale xisbiga ninka ka madaxda ah marka uu madaxweyne noqdo ileen xisbiga waa uu ka baxsan yahay oo dadka oo dhan ayuu madaxweyne u yahaye oo xisbigii doorashada laga helay isaga ayaa u madaxweyne ah, marka la yidhaahdo madaxweynuu waa guddoomiyaha xisbiga waa nidaamkii shuuciga.”