Faysal Oo Sheegay In 70% Dadka Reer Somaliland Ay Hal Wakhti Wax Cunaan Iyo Saylici Oo Ka Jawaabay

0
617

Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in qiyaastii 70% ka mid ah shacabka Somaliland ay ku noolyihiin nolol adag oo ay saddexdii wakhtiba hal mar wax cunaan. Hase yeeshee waxa hadalka Faysal ka jawaabay madaxweyne-xigeenka Cabdiraxmaan Saylici.

Hadaladan ayaa waxa laga sheegay madal habeen hore lagu soo bandhigay buugga Warjire ee uu qoray Axmed Siciid Cige, waxaanu Faysal geesta kale sheegay in heshiiska Madaxweyne Biixi iyo xisbiyadu yahay mid uu dhinac waliba guulaystay, waxaanu Faysal yidhi “Heshiisku wuxuu ka koobanyahay dhawr fikradood oo la isu geegeeyay, midi waa kii odayaasha is xilqaamay, waxa ka mid ah tii ay keeneen akamdemiyadu iyo dad badan oo taariikh dalka ku leh, qolada beesha caalamku intii intay urursatay ayay ka soo dhigeen heshiis. Heshiiskani waa win win [cid kastaa ay guulaysatay] madaxweynaha rayigiisu wuu ku jiraa oo waa tii laga furfuri kari waayay riyo raac group, isagii waa joogaa, anaguna waa taanu nidhi guddigii hore iyagiina way joogaan, guusheenu waa doorasho inoo dhacda. Waxaan jecelnahay heshiiskaasi inaanu inaga fashilmin, haddii aynu kaa samayno oo doorashadaasi inoo hirgsho hawlo badan ayaynu u gacan baxaynaa. Maanta dadkeenii 70% mar qudha ayay wax cunaan, bahal baahi ah ayaa jirta.”

Madaxweyne-xigeenka Cabdiraxmaan Saylici, ayaa ka jawaabay hadalka Faysal waxaanu yidhi “Faysaloow waa la heshiiyay haddii aan nidhaahno inaad halkaas ku joojiso ayaa wanaagsanee, waa la heshiiyay iyo eedi ma soconayso. Guddoomiye anigu meeshaad ka cabirtay 70% dadka reer Somaliland way gaajoonayaan waa ihaano, dhibaato iyo dhaqaale yari way jirtaa laakiin 70% ayaa gaajoonaya meel aad ka soo saartay adigaa dadka u cadayn doona, haddiise meesha heshiis yimid heshiiskaas inaan wada ilaalino ayaan u baahanahay.”