Falanqaynta heshiiska Madaxweyne Biixi & Mucaaradka, Doodaha sharci ee ka dhashay iyo lafo-gurka wejiyadiisa shrci iyo siyaasadeed

0
241

Falanqaynta heshiiska Madaxweyne Biixi & Mucaaradka, Doodaha sharci ee ka dhashay iyo lafo-gurka wejiyadiisa shrci iyo siyaasadeed
Madaxweyne Biixi iyo labada guddoomiye xisbi mucaarad, ayaa khamiistii Hargeysa ku kala saxeexday heshiis siyaasadeed oo uu ka soo shaqeeyay ergayga Midowga Yurub danjire Nicolas Berlanga.

Heshiiskan oo ka kooban 7 qodob ayaa waxa ugu muhiimsan inay doorashooyinka deegaanka iyo wakiiladu qabsoomaan sannadkan 2020 iyo inay guddiga doorashada ee jirta oo ay xisbiyada mucaaradku ku soo dari doonaan labadooda xubnood ay la shaqayn doonaan guddigii hore ee doorashooyinka oo loo bixiyay Technical election management UNIT (TEMU), kuwaas oo qabanaya inta badan shaqada guddiga doorashooyinka qaranka. Waxa guddigan hore ee loo bixiyay guddiga farsamo sidoo kale ka mid ah 3 xubnood oo ajaanib ah.

Doodo badan oo sharci ayaa ka dhashay heshiiskan, waxaanay sharcicyaqaanada qaarkood ku tilmaameen heshiis baalmarsan shuruucda iyo xeerarka doorashooyinka ee Somaliland.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay guddigii hore ee doorashooyinka oo heshiiska qayb muhiim ah ku dhex leh sidoo kale ma jiro wax war ah oo ka soo baxay guddiga doorashooyinka ee wakhtigan oo iyaga loo arko in awoodoodii lagu wareejiyay guddi farsamo oo ah guddigii ay xilka kala wareegeen ee doorashooyinka qaranka.

Heshiiska hoggaamiyeyaasha siyaasadeed gaadheen xal ma u noqon doonaa khilaafka siyaasadeed ee mudada labada sanadood ka badan soo jiitamayay? Yaase gaadhay guul siyaasadeed?

Heshiisku wuxuu leeyahay weji sharci iyo mid siyaasadeed. Sharciyan heshiisku ma gaadhsiisna awood uu ku nasakho xeerarka doorashooyinka. Taas macneheedu wuxuu yahay in awoodda iyo sharcinimada gudida cusub ee doorashooyinka aanu is-bedel wayni ku iman. Weli iyaga ayaa ah gudida sharciga ah ee qaanuun ahaan xeerarka dalku aqoonsan yihiin.

Waydintu waxa ay tahay unuga farsamo ee loo xilsaaray maamulka doorashooyinku muxuu yahay meeqaamkiisa sharci? Sharciyan unugaas oo ka kooban gudidii hore ee doorashooyinka iyo sadex xubnood oo beesha caalamku soo magacaabi doonto, ma laha xagga sharciga awood buuxda sababta oo ah maaha kuwo ku aasasan qaanuun. Inay hawshooda fushadaan markaas waxa ay ku xidhnaan doontaa sida ay isku fahmaan gudida doorashooyinka iyo wada shaqayn dhex marta xisbiyada siyaasadeed.

Haddii muran dhex maro ama ay wax isku diidaan gudida doorashooyinka iyo unuga farsamo waxa xagga sharciga awoodda leh gudida doorashooyinka, sida ay qabaan inta badan sharciyaqaanada Somaliland.

Siyaasiyan waxa cad in madaxwaynuhu gaadhay dhawr guulood. Waa marka hore e, waxa fulay doodii iyo qaabkii uu rabay in hawluhu u dhaqan galaan. Waa marka labaad e, waxa dad badan oo shacabka ah ay ugu muuqataa in xisbiyada mucaaradku aanay lahayn adkaysi siyaasadeed iyo istiraajiyado la isku hallayn karo, waxaana mawqifkoodan isbedelay uu keenayaa inaanay shacab badani aamini karin siyaasad ahaan.

Mucaaradka waxa cad in dib u dhaca wayn uu ku yahay heshiiskani. Waxa mucaaradku aqbalay laba gudi oo uu muddo laba sanadood ka badan ka soo horjeeday. Eedda dib u dhaca doorashooyinka ee mudadii u damabaysay iyo cakiraanta siyaasadeed waxa dusha laga saari karaa mucaaradka maadaama oo ay aqbaleen wixii ay diidanaayeen.

Heshiiskani wuxuu muujiyay gaabis ku jira awoodii ay reer Somaliland u lahaayeen inay xal ka gaadhaan muranada ka dhex curta. Waxa udub dhexaad u ahaa heshiiskan ergayga Midawga Yurub oo dadaal dheer u galay furdaaminta khilaafka. Somaliland waxa ay caan ku ahayd in si ka duwan Somaliya, inay xal u hesho dhibteeda oo ay isku tanaasusho. Maanta taasi ma muuqato.

Arinka aan hore loo arag ee khilaafkani keenay wuxuu sidoo kale yahay xubnaha ajnabiga ah ee lagu daray gudida farsamo ee hawsha doorashada qabanaysa. Waa markii u horaysay ee wax masiirka iyo awoodda dalnimo ah ay gacan toos ah oo maamul ku yeelanayaan cid shisheeye ahi. Doorashooyinka Somaliland waxa ay ku bilaabmeen iyada oo aan xitaa bilawgii lacag shisheeye la gelin. Maanta oo labaatan sanadood laga joogo in gudidii shaqada qabanaysay shisheey ku jiraa maaha ifafaale wanaagsan. Waana hadal haynta u wayn ee dadka reer Somaliland hayaan.

Dhawaaqi uu madaxwaynuhu ku sheegay inuu furayo ururada siyaasadeed waxa uu ka jeediyay labada aqal ee Baarlamaanka khudbadisii dastuuriga ahayd. Go’aankaas si wayn ayay u soo dhoweeyeen shacabka badankiisa iyo siyaasiyiin leh han siyaasadeed. Hadalka madaxwaynuhu wuxuu baqo ku riday xisbiyada wuxuuna soo dedejiyay inay si wayn u tanaasulaan. Haseyeeshee waxa dhici karta in dad badan oo reer Somaliland ah oo rajaynayay in isbedel ku yimaado hanaanka xisbiyada Somaliland ay ka niyad jabaan nidaamka. Waxa Iyana waydiin taal ah weli, marka mudada xisbiyadu dhacdo 2022, maxaa la yeelayaa? Furdaamin arinkaas la xidhiidha lama dhigin, mana jiro sharci ogol in mudo kordhin loo sameeyo xisbiyada marka mudadoodu dhacdo.

In Madaxweyne Biixi ka laabto dhawaaqii uu umadda ugu sheegay inuu furayo ururada siyaasadda, waxay ku noqon kartaa dhaawac siyaasadeed, waxaana su’aal la iska weydiin doonaa mawqif kasta oo cusub oo uu soo bandhigo, maadaama oo hadalkiisii furista ururada siyaasadu noqday mid hanjabaad ah. Waxa kale oo madaxweyne Biixi hadda fuuli kara culays ah in fulinta heshiiskan iyo qabsoomida doorashadu ay dushiisa saarantahay.

Ugu danbaytnii, inkasta oo heshiiskani xumadda dejiyay, dad badan oo wax taxliila waxa u muuqata inaanay ahayn dhamaadka muranada siyaasadeed. Sida ku muuqatay hadal ay jeediyeen saddexda hogaamiye, dood dheer iyo falaqayn ay arinka ka galeen ma jirin. Taasina waxa keenaysaa inaan arimaha isku si loo fahmin oo hadhow turjumaadooda iyo fasiraadooda dood hor lihi ka timaado.

Si arinkan loo soo af jaro ka maarmi mayso in dawladdu qabato shir wayne ay isugu yeedhasyo wax garadka dalka oo lagu dejiyo qorsheyo iyo khariirad maaro keeni karta islamarkaana wax la iska waydiiyo sababta habkii khilaaf xallinta ee reer Somaliland ay u shaqayn wayday. Waa inaan halkaas lagaga hadhin ee wax la iska waydiiyo meesha wax ka qaloocan yihiin.

Comments

comments