Dagaal Khasaare Geystay Oo U Dhexeeya Somaliland Iyo Puntland Oo Ka Socda Gobolka Sanaag

0
437

Dagaal u dhexeeya Ciidammo ka kala tirsan Somaliland iyo maamulka Puntland ayaa waxaa uu ka socdaa qeyb kamid ah Gobolka Snaaag, kaasi oo la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan.

Dagaalkan ayaa waxaa uu sigaar ah uga socdaa deegaan lagu magacaabo Hadaaftimo, waxaana uu yimid kadib markii Ciidamadii Somaliland ee fadhigoodu ahaa Magaalada Yubbe saaka ay u soo ruqaansadeen dhinaca Magaalada Hadaaftimo, sidaasna uu ku billaamay.

Dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa soo sheegaya inay maqlayaan dhawaqa rasaas xoog leh oo ay isdhaafsanayan Ciidammada Somaliland iyo Puntland.

Ilaa iyo hadda lama oga Khasaaraha ka dhashay dagaalka ka socda deegaanka lagu magacaabo Hadaaftimo ee Gobolka Sanaag, hayeeshee warar la helayo ayaa tilmaamaya inuu jiro Khasaaro.

Dagaalkan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa, iyadoo shalay uu dagaal geystay Khasaaro uu dhexmaray Ciidamo kala taabacsan Guddoomiyaha Gobolka Sanaag ee Puntland iyo Guddoomiyaha Degmada Badhan ee Somaliland, wuxuuna dagaalkas ka dhacay degmada Laasqoray.