Xildhibaan Jire Oo Xukuumadda Ka Dalbaday Inay Mugdiga Ka Saarta Jidka Ay Ku Socdaan Wada Hadalada Somaliland iyo Somaliya

0
515
WADDANI Oo Sas Ka Qaaday Mawjadihii Soo Dhaweynta ahaa Ee Garabka Toosinta Loogu Muujiyey Borama Iyo Kulamo Qarsoodi ah Oo Kaadirka Xisbigu Maanta U Ballansan Yahay
WADDANI Oo Sas Ka Qaaday Mawjadihii Soo Dhaweynta ahaa Ee Garabka Toosinta Loogu Muujiyey Borama Iyo Kulamo Qarsoodi ah Oo Kaadirka Xisbigu Maanta U Ballansan Yahay

Xildhibaan Cabdiqaadir Jire ayaa sheegay in loo baahan yahay in gollaha wakiilada war laga siiyo dhaqdhaqaaqyada wadahadalada  Somaliland iyo Somaliya oo uu ku tilmaamay inay xukuumadu u wado si abuuri karta shaki.

Waxa xildhibaan Cabdiqaadir Jirde sida oo kale shacbiga Somaliland ugu baaqay inay meesha ka saaraan inay Farmaajo ku dhaliilaan in adeerkii uu Somaliland xansuuqay isaga oo aan qayb  ka ahayn xansuuqaas balse lagu dhaliilo waxa laga tirsanaayo xukuumadiisa. Xildhibaanka oo ka hadlaayay fadhigii shalay ee gollaha wakiilada ayaa sidan hadalkiisa ku bilaabay “ Wada hadaladu waxay ku salaysnaayeen in laba siman loo wada hadlo  oo aan la kala sarayn sida uu soo wadaana waa in aanu inoo arkayn in aynaan nimankaas  la sinayn, markaas waxaanu ku nidhi ilaa aad taas wax ka badashaan dadkayagu idin aamini maayo, in talo laga yeesho oo kolba qolo ordaysaa aanay daf iska soo odhane oo inoo gacan haadisa anaga ayaa galaynee  in qaranku uu talo ku yeesho oo taladaasna aan wax ku yeelano inagu ( Gollaha wakiilada ) oo wax laynaga waydiiyo ama ugu yaraan war layna siiyo, madaxweynaha waan ugua mahadnaqaynaa doorkii hore ee la yidhi Abiy iyo Farmaajo ayaa diyaarad soo raacay, guddoomiye waad nala joogtay waataanu lixdii subaxnimo halkaas isugu tagnay  karaamo iyo qadarin ayaanu u qaadanay talooyinkii  waanu ka wada dhiibanay, markaas talo qaran ayay ahayd waxaananan u arkaayay in aanu anguna wax ka dhiiban karno waxaad moodaa in aanay maanta jirin qadarintii hore  oo aan waxba laysla socodsiinayn, arimaha caynkaas ah markaanu ka qaybgalno madaxweynaha karaamay u tahay iyo kalsooni anaguna warka dadkiibaanu gaadhsiinaynaa , waar wax laydinka qarinayaa ma jirto, marka taas la waayo kala shaki ayaa imanaaya.”

Xildhibaan Cabdiqaadir Jire  oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “ Arinta Farmaajo waxaad moodaa saxaafadeena iyo dadkeenu inay aad  ugu fogaadeen, Farmaajo looma haysto danbiyadii halkan ka dhacay ( Somaliland ) oo wax hawl ah iyo wax xil ah oo uu ku lahaa  may jirin, waxase loo baahanyahay  dawladii ayaad dhaxashay  Somaliya ee hore markaas bogsiinta  iyo isku soo dhawaynta ayaad wax ka leedahay laakiin danbi isaga loo haysta oo la leeyahay adigaa sameeyay ma jiro, looma aanayn karo anigu midhkaas ayaan hoosta ka xariiqayaaye  Maxamed Siyaad Barre ayaad la dhalatay, waa gaf waana khalad  hadaan u aanaynayno Maxamed Siyaad Barre intii la dhalatay Maxamed Sheekhan eega  ninka halkan cisbitaalka ka dhistay Maxamed Siyaad Barre ayuu la dhashay, gaf ayay tahay taasi in taas laga daayo oo dadka aan afka loo galin ninkaas adeerkii ayaa na laayay oo aan haysanaa, ninka xididna waa aynu nahay  caruurtiisu hadii ay dalbato maanta waa reer Somaliland , markaas markaynu isaga la garamayno aan ku eekaano xukuumadiisa waxaynu ka tirsanayno oo aan u aragno inay ka leexatay dariiqii isku soo dhawaynta.”