Lacag 8 Milyana Ayaa Burco Loo Qorsheeyey,Wasiirka Jidadka Oo Isku Dayey Inuu Beeniyo Lacagta Saamiga SDF Ee Burco Loo Qorsheeyey

0
364

Lacag 8 Milyana Ayaa Burco Loo Qorsheeyey,Wasiirka Jidadka Oo Isku Dayey Inuu Beeniyo Lacagta Saamiga SDF Ee Burco Loo Qorsheeyey
Wasiirka Horumarinta Jidadka Iyo Gaadiidka Somaliland Cabdilahi Abokor Oo Ka Hadlayey Munaasabad Ka Qabsontay Magaalada BURCO,Ayaa Beeniyey In 5% Boqolkiiba Gobolka Togdheer Looga Qorsheeyay Sanduuqa SDF,Wasiir Cabdilahi Abokor Wuxuu Markii Ugu Horaysay Cadeeyey In Lacag Dhan 8-Milyan Lagu Dhisaayo Jidka Isku Xidha Magaaloyinka BURCO Iyo Sheikh,

Lacagtan 8 Milyana Ee Loogu Talo Galay Dayactirka Wadada Isku Xidha Gobolada Togdheer Iyo Saaxil Ayaa Laga Maalgelinaya Sanduuqa Horumarinta Somaliland Ee SDF,

Waxa’se xusid mudan in jidkaasi oo gaadhaya ilaa 120km(qiyaastii) uu gobolka togdheer ka tirsantahay in ka yar 30km,

balse 90km ee jidkaasi uu ka tirsanyahay Gobolka Saaxil.