“Maxaa Loo Macnaysan Karaa Socdaalka Madaxweyne Farmaajo Iyo Raysal Wasaare Abiy Ee Somaliland”…Siyaasi Cabdirashiid Xasan Mataan

0
345

“Maxaa Loo Macnaysan Karaa Socdaalka Madaxweyne Farmaajo Iyo Raysal Wasaare Abiy Ee Somaliland”…Siyaasi Cabdirashiid Xasan Mataan

Siyaasi Cabdirashiid Xasan Mataan ayaa ka hadlay socdaalka la sheegay in madaxweynaha soomaaliya iyo raysal wasaaraha Itoobiya ay qorsheeyeen inay ku imaadaan soomaliland.

Siyaasi Cabdirashiid Xasan Mataan ayaa qoraal uu soo gaadhsiiyey Hadhwanaagnews waxa uu ku sheegay in safarka labadaas hogaamiye ee soomaaliya iyo Itoobiya uu fursad muhiim ah u yahay somaliland isla markaana loo baahan yahay in laga faa,iidaysto.

Siyaasi Cabdirashiid Xasan Mataan ayaa meesha ka saaray in hadii ay socdaalka madaxweyne Farmaajo Iyo Raysal Wasaare Abiy aan loo macnaysan in laga noqday somaliland.

Siyaasi Cabdirashiid Xasan Mataan ayaa qoraalkiisa ku yidh:-

Wax walba yaynaan sharaysan oo yaynaan caadifad ku jawaabin.

Waagii baryaayaa waayihiisuu leeyahay prime minister ka Ethiopia iyo madaxwaynaha Somalia booqashadoodu maaha SL oo isdhiibtay ama la qabsanayo.

Waa waji cusub oo siyaasadeed oo furi kara albaabo aan hore u furmin oo laga yaabo in ay soo dhawayso xalka aynu raadinayno.