Abiy Ahmed Oo Soo Bandhigay Khariidadda Soomaaliya Oo Laga Jaray Somaliland

0
433

Abiy Ahmed Oo Soo Bandhigay Khariidadda Soomaaliya Oo Laga Jaray Somaliland
Raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed Ali ayaa bartiisa twitter-ka ku baahiyey khariidad yaab leh oo muujineysa Soomaaliya oo laga jaray Somaliland.

Khariidaddan ayaa Abiy Ahmed wuxuu Itoobiya ku muujinayaa midabka cagaaran, hase yeeshee waxaa ka muuqda Soomaaliliya oo laga jaray gebi ahaan Somaliland.

Waxaa la socda farriin kooban oo afafka amxaariga iyo English-ka lagu qoray oo macno ahaan noqoneysa “xoriyadda dalkeena, barwaaqada dalkeena.”

Ka sokow in khariidaddan Soomalaiya laga jaray Somaliland, haddana sidoo kale kama muuqdaan guud ahana gobollada Somaliland, oo waa meel iska madhan.

Dadka qaar ayaa taas ku macneeyey in Abiy aamisan yahay in Somaliland ayna ka mid ahayn Soomaaliya, balse ayna aqoonsi haysan, sidaas darteedna aanu u muujin.

Lama garanayo sababta uu Abiy u sameeyey sidan, hase yeeshee waxa kaliya ee laga fahmi karo ayaa ah waxa uu ka aaminsan yahay Somaliland iyo Soomaaliya siyaaddiisa ku waajahan.

Dowladda Itoobiya ayaa toddobaadkii tegay roogga cas u fidisay, islamarkaana dhinac dhigtay calanka Somaliland, markii ay soo dhoweysay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Khariidadda cusub ee maanta uu baahiyey Abiy Ahmed ayaa twitter-ka lasoo dhigay 4:38 pm, hase yeeshee laga saaray 5:30 pm kadib markii muran xooggan ay ka dhalatay oo Soomaali badan ay qoraallo ka dhan ah ku muujiyeen twitter-ka.

Tweet-kaas ayaa sidoo kale ahaa mid pinned ah, oo meesha sare lagu dhajiyey si qoraalalda ka dambeeya ay mar walba uga kor ahaato.

Screenshot ayaa laga qaaday tweet-ka ka hor inta aan laga saarin.