Wasiirka Faratoon oo ka waramay natiijada socdaalkii Madaxweyne Biixi Ee Addis Ababa

0
447

Wasiirka arimaha dibada Somaliland Yaasiin X.Maxamuud Xiir ( Faratoon ) ayaa ka waramay  socdaalkii deg dega ahaa ee madaxweyne Biixi uu ku tagay Addis Ababa.

Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayay ayaa shalay ku soo laabtay magaalada Hargeysa, ka dib saddex maalmood oo ay Addis Ababa joogeen.

Waxa uu sheegay inay kulmeen madaxweyne Muuse iyo Madaxweyne Farmaajo, waxa uu sida oo kale ka hadlay inay fariinta Somaliland madax iyo ururo badan oo Afrikaan iyo dalalka dunida ahba ay gaadhsiiyeen, waxa uu sidan ku sheegay kadib markii shalay goordanbe ay Hargeysa ku soo laabteen waftigii uu hogaaminayay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Wasiirka arimaha dibada Faratoon oo warbaahinta madaarka Cigeel kula hadlay markay Hargeysa ku soo laabteen waxa uu yidhi “ Waftigan sida aad la wadda socotaan  waxa ay ujeedadiisu ahayd ama uu u anbabaxay  inuu ka qaybgalo sida caadada u ahayd sanad walba  shirka Afrika ee guud  waxaynuna u tagnaa qadiyada Somaliland sidii  looga hawlgali lahaa diblamaasiyad ahaan iyo siyaasad ahaan loo faafin lahaa ee loo baahin lahaa ee looga dhaadhicin lahaa Afrika iyo inta ay xidhiidhadu inaga dhaxeeyaan iyo danuhu, ujeedada shirka loo tagay ayay ahayd, shirka marka hore waxa tagay aniga iyo shaqsiyaad kale  oo reer Somaliland ah iyo safaaradeena joogta Addis Ababa, mudo markuu socdayna wax anoo muuqatay in uu ka miisaan weyn yahay oo culays intayadii markaas halkaas joogtay ka badan loo baahan yahay sidaa daraadeed ayaan madaxweynaha ugu yeedhay, madaxweynuu si deg deg ah ayuu ku soo baxay 11-kii subaxnimo ayaan la soo hadlay maqribkiina Addis Ababa ayuu joogay isaga oo markaas dareemay baahida halkaas loo qabo inuu yimaado oo ka qaybgalo shirkaas.”

Wasiirka oo hadalkiisa sii wataa waxa uu sheegay “ Shirkaas muddadii aan joognay mar hore iyo mar danbeba  waxaanu la kulanay oo aanu aragnay oo aanu qadiyadayada  aanu kala hadalnay  oo aanu isku horfadhiisanay madaxbadan oo Afrika ah iyo dad badan oo kale oo caalamka ah oo ka soo qaybgalay shirkaas  oo goob joog ka ahaa madaxweynayaal haday tahayba, wasiiro haday tahay, madaxda laamaha Midowga  Afrika  iyo haayado kale oo caalami ah oo aan ka wadda hadalnay qadiyada Somaliland, alle mahadi ah ka gaadhee  waxaanu u aragnaa in shirkaas aanu guul ka gaadhanay oo danihii aanu ka lahayn aanu ka gaadhnay,cid walba oo aan halkaas kula kulanay si fiican ayaanu isku afgaranay ama aanu fahansiinay qadiyadaas.shirkaas ka qaybgalkiisa iyo tagitaankiisa iyo haddii ay tahay meelihii aanu tagnay   dawlada Itoobiya iyo ciddii kale ee aan la kulmaynay  si meeqaamkeedu uu aad u sareeyo ayaa nalloo soo dhaweeyay meeqaam la siman haddaanu ka heersarayn waddamo badan oo Afrika ah ayaa madaxweynaana la siiyay oo aan kaga qaybqaadanay, waxaan idiin sheegayaa in raysal wasaaraha Itoobiya guddoomiyhii cusbaa ee la doortay Midowga Afrika in la’la kulmay oo madaxweynuu uu la kulmay sidii loo baahnaana ay ula kulmeen.”

Waxa uu wasiir Faratoon ka hadlay kulanka madaxweynayaasha Somaliland iyo Somaliya “ Madaxweyne Biixi iyo madaxweyne Farmaajo xafiiska raysal wasaaraha Itoobiya ayay ku kulmeen, madashaasina

waxay ahayd meel madaxdii Afrika oo dhami ay imaanaysay  markii shirkii dhamaaday maddaxdii way isasii macasalaamaynaysay  oo waa laysasii arkaayay oo waa laysa sii bogaadinaayay  oo la sii balamayay,sidaas ayuu madaxweynuu u tagay madaxweyne Farmaajna sidaas ayuu u yimi  sidaas ayay isku arkeen warkaasuna intaas ayuu ku kooban yahay oo aynu ku dhaafaynaa.”