Somaliland iyo Soomaaliya oo si kooban uga hadlay kulankii Biixi iyo Farmaajo

0
431

Dawladaha Somaliland iyo Soomaaliya ayaa ka hadlay kulankii ay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ay ku yeesheen xafiiska Raysalwasaaraha Itoobiya.

Wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaaashiga caalamiga ah ee Somaliland, Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo shalay magaalada Hargeysa shir jaraa’id ku qabtay ayaa xaqiijiyay kulanka dhex maray Biixi iyo Farmaajo, inkastoo uu ka gaabsaday inuu xogta oo dhammeystiran bixiyo.

Wasiir Faratoon ayaa si kooban u yidhi “ Madaxweyne Biixi iyo madaxweyne Farmaajo xafiiska raysal wasaaraha Itoobiya ayay ku kulmeen, madashaasina waxay ahayd meel madaxdii Afrika oo dhami ay imaanaysay markii shirkii dhamaaday maddaxdii way isasii macasalaamaynaysay oo waa laysasii arkaayay oo waa laysa sii bogaadinaayay oo la sii balamayay,sidaas ayuu madaxweynuu u tagay madaxweyne Farmaajna sidaas ayuu u yimi sidaas ayay isku arkeen warkaasuna intaas ayuu ku kooban yahay oo aynu ku dhaafaynaa.”

Afhayeenka dawladda Soomaaliya Cabdinuur Maxamed, ayaa isna qoraal uu soo saaray wuxuu ku xaqiijiyay in kulanku qabsoomay, waxaanu sheegay in Madaxweyen Farmaajo u mahadcelinayo Raysalwasaaraha Itoobiya oo kulankaas martigeliyay. Waxaanay dawladda Soomaaliya tidhi “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa kulan kula yeeshay magaalada Addis Ababa Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Dawladda Soomaaliya waxay uga mahadcelinaysaa Raysalwasaaraha Itoobiya Abiye Axmed martigelinta kulankii shalay.”