“Haddii Dacwada Faysal Ka Soo Fushay Qoyska Muuse Biixi, Nin Weliba Qoys Ayuu Ka Dhashay”

0
403

“Haddii Dacwada Faysal Ka Soo Fushay Qoyska Muuse Biixi, Nin Weliba Qoys Ayuu Ka Dhashay”
Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, waxa uu ka hadlay Dacwad uu Qoyska Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ka gudbiyeen Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe.

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir waxa uu arrinta Dacwaddaas uu sheegay inay tahay arrin dhibaato ah, isla markaanna khatar keenni karta, waxaannu Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu u soo jeeddiyay inaanay wax fiican ahayn oo aan laga eegayn raggii uu tartankii doorashadda Madaxtinnimadda kaga baddiyay innuu ku sii tiiq-tiiqsaddo oo weliba Xadhig ugu darro.

“Waa arrin dhibaato leh oo dhibaataddana keeni karta. Madaxweynaha waxaan leeyahay raggii aad tartanka ka baddisay inaad tiiq-tiiqsi iyo Xadhig ugu dartaa waa fool-xumo, wax lagaa eeggaayay-nna maaha, inaad wax la qabato ayaa lagaa sugaayay, waayo doorasho danbe ayaa iman doonta, taasaa faallo cajiib ah keenni doonta hadhow. Ninkii aad doorashadda ku tartanteen waa Madaxweyne, Madaxweyne Madaxweyne xidhanna adduunka laguma arag.”
“Madaxweyneyaashii hore ee Somaliland soo maray may xidhi jirin raggii mucaaridka ahaa ee la tartamaayay, markaa waxaan leeyahay Axsaabta mucaaridku inay wax dhaliillaan xaq bay u leeyihiin.” Sidaa ayuu yidhi Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir.
Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir waxa uu sheegay inaanay jirin Qoys qoys xidhi karra, laakiin waxa loo baahan yahay dariiq Sharciya waa sida uu hadalka u dhigaye.
“Haddii la leeyahay arrintani waxay ka soo fushay Qoyska Madaxweynaha, waxaan leeyahay Nin weliba Qoys ayuu ka dhashay, markaa Qoysna Qoys ma xidhi karro, laakiin waxaynu isku xidhi karnaa wax Sharciya, waayo Mushkullada ay sababi doontaa way ka waynaanaysaa intaas.”
“Intii aan lagu soo doorran ee aad mucaaridka ahayd adigaabba (Madaxweyne), dadka wax ka sheegi jirey, dadka mucaaridka ahna inaad nabad-geliso weeye. Ramaaxna waxaan leeyahay kol haddii Ninkii haystay uu cafiyay oo iska sii daayay, waa in xoriyaddiisii dib loogu soo celiyaa oo Xukuumaddu sii daysaa.” Ayuu yidhi Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir