Waa Imisa Lacagta Ay Soomaaliya U Qoondaysay Wadahadalka Somaliland??

0
336

Dawladda Soomaaliya ayaa guddida wada hadallada Somaliland u qaabilsan qoondo lacageed ugu dartay Miisaaniyadda 2020 oo hor taalla baarlamaanka Soomaaliya.

Fadhigii Shalay ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa laga sheegay in ay yar tahay lacagta loogu tallo galay wada hadallada oo loo arko kuwo ahmiyad weyn leh.

Miisaaniyadda Soomaaliya oo dhan sanadkan $469.5 milyan waxa loo qoondeeyay guddida wada hadalka lacag dhan Afar Boqol oo kun oo doolar.