Dibadbaxyo Ka Dhacay Dalka Jabuuti Iyo Khasaaraha Ka Dhashay

0
392

Hogaamiyeyaasha mucaaridka dalka Djibouti ayaa cambaareeyey xoog loo adeegsaday dadweyne maalintii labaad dibadbax isugu soo baxay magaalada Arxiba iyo magaalooyin kale oo ku yaala dalka Jabuuti.

Aadan Maxamed Abdou, oo ah Gudoomiyaha Isbahaysiga USN oo ay ku midaysan yihiin afar xisbi oo mucaarid ah, ayaa sheegay in dibadbaxan ka dhacay Arxiba uu daba socday xadhiga xubin ka tirsan xisbiga ARD (Republican Alliance for Development) oo la xidhay maalintii khamiistii.

Waxaanu dhaliilay siyaasada Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uu ku maamulo dalka Djibouti, “Kadib markii Cismaan Yoonis Boqorreh oo ahaa xisbiga MRD, oo u digo-rogtay ARD’s ayaa maalin cad ay xidheen ciidamada bileysku,” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeed ka soo baxay xisbiga ARDM.

Dibadbaxan ka dhacay dalka Djibouti ayaa ciidamada bileysku ay u adeegsadeen rasaas nool iyo sunta dadka ka ilmaysiisa, waxaanu intaasi ku daray hogaamiyaha xisbiga ARD in sidoo kale ay dibadbaxyo ka dhaceen oo shacab aad u tiro badan ay isugu soo baxeen magaalooyinka Tajoura iyo Randa.

Hase yeeshee wararka laga helayo dalka Djibouti ayaa sheegaya in dibadbaxaasi la soo afjaray, balse xisbiga ARD ayaa sheegay in galabnimadii Jimcaha maanta uu dibadbuxu sii socday, kaas oo dad tiro badan oo gaadhaya ilaa 50 qof ay ku dhaawacmeen, dhaawacoodana la dhigay cusbitaalka Arxiba.

Dibadbaxayada ka dhaca dalka Djibouti ayaa ah kuwo dhif iyo nadir ah, waxaana loo adeegsadaa ciidamo gacan bir ah ku qabta, sida ay sheegtay kooxda la socota dibadbaxayada dalkaasi ee Civicus.

Bishii December 2015, ayaa ugu yaraan 27 qof ay ku dhinteen in ka badan 150 kalena ay ku dhaawacmeen markii ciidamada amaanku ay toogteen dadweyne isugu soo baxay jidadka dalkaasi.