“In Uu I Xidhayo Ayuu Iigu Hanjabay…” Abwaan Weedhsame Oo Warramay Dhacdo Dhex-Martay Ciidammada Nabad-galyadda Waddooyinka Somaliland.

0
364

Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil Weedhsame ayaa markii ugu ka hadlay muuqaal qabsaday baraha bulshada gaar ahaan Facebook oo ahaa dhacdo dhex-martay isaga iyo ciidammada nabad-galyadda wadooyinka.

Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil Weedhsame ayaa qoraal uu arrinta kaga hadlayo waxa uu ku yidhi “Dhacdada muuqaalkan facebooka dhex wareegaysaa maanta maaha, shalayna maaha balse waa maalintii Sabtidii. Askariga waxaanu isu maan-dhaafnaynay arrin aan u arkayey inay gef igu tahay, waayo gaadhigayga oo barxad”parking” yaalla ayuu igu yidhi ka qaad Madaxweynihii baa soo marayee. Anna waxan ku idhi “madaxweynuhu jidadka ayuu maraa balse halkan parking ah lama maro oo sabab aan uga qaadaa ma jirto.” Dabadeena furaha ayuu iga qaatay inu i xidhayana waa iigu hanjabay. Hadalkii baa naga taagtaagmay balse dadweynihii meesha joogay ayaa na soo dhex galay arrintiina halkaas bay ku dhammaatay. Dadweynahaas na dhex galayna cissi iyo karaamaan u hayaa, waanan u mahad celinayaa. Allaha ilaaliyo iyaga iyo ummadeena oo dhanba.

Warka kale ee aan arkayo ee leh “Weedhsame waa waa la xidhayna” waa war aan sugnayn oo sal iyo raad toona lahayn. Waqti xaadirkana ma xidhni, waase la i xidhi karaa haddii aan xad-gudub iyo gef sameeyo oo qofna sharciga kama sarreeyo, in dadku u sinnaado sharciguna waa waxa aanu hadh iyo habeen rabno ee aanu xukuumad kasta ku dhaliilayno.

Ciidamada dirayska sidaa xurmo iyo qaddarin bay ka mudan yihiin Aniga iyo qof kasta oo shacabka Somaaliland ka mid ahba. Ciidanku Waxay habeen oo dhan dhaxanta u taagan yihiin, dharaar oo idilna milicda heeggan ugu yihiin, waa sugida ammaanka iyo ilaalinta nolosha shacabkooda, iyaga oo aan adduun iyo xoolo badan aanay ku helin.

Sidoo kale, shacabkuna xaq waxay u leeyihiin in aan la bah-dilin, la handadin, loo cago-jugleyn, xuquuqdooda muwaadinnimana aan meel lagaga dhicin, sharafkoodana la dhawro.”