Geele Iyo Farmaajo Oo Ku Guuldaraystay In Qof Ka Soo Jeeda Djibouti Ama Soomaaliya Loo Magacaabo Xoghayaha Fulinta Ee IGAD Iyo Khilaafka Ka Dhex Taagan Madaxda Gobalka

0
362

Geele Iyo Farmaajo Oo Ku Guuldaraystay In Qof Ka Soo Jeeda Djibouti Ama Soomaaliya Loo Magacaabo Xoghayaha Fulinta Ee IGAD Iyo Khilaafka Ka Dhex Taagan Madaxda Gobalka

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geele ayaa ku guuldaraystay olole ay ku doonayeen in qof ka soo jeeda Djibouti ama Soomaaliya loo magacaabo xoghayaha fulinta ee urur goboleedka IGAD.

Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo ayaa wuxuu watay in Dr. Cabdisalaan Hadliye oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland, balse aaminsan mabda’a federaalka loo magacaabo xoghayaha fulinta ee IGAD, halka uu Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele isna watay in jagadaas loo magacaabo siyaasi ka soo jeeda Djibouti oo uu soo xulay.

Hase yeeshee Raysalwasaaraha Itoobiya oo hadda haya guddoonka urur goboleedka IGAD ayaa wuxuu xilkaas u magacaabay Dr. Workeneh Gebeyuhu oo hore u ahaa wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya, waxaana halkaas ku soo afjarmay dedaaladii Madaxweyne Geele iyo Madaxweyne Farmaajo. Dr. Workeneh ayaa wuxuu xilka kala wareegayaa Maxbuub Macalin oo ka soo jeeda dalka Kenya.

Waxa kale oo ay warar diblomaasiyadeed sheegayaan in uu Dr. Abiye guddoonka IGAD ku wareejin doono Madaxweynaha Kenya Uhurru Kenyata oo si aan toos ahayn la iskula gartay shir madaxda IGAD ay Addis Ababa ku yeesheen inuu qabto guddoonka kursiga IGAD ee wareega.

Wargeyska The East African ee ka soo baxa magaalada Nayrobi ee dalka Kenya ayaa wuxuu qoray in Djibouti ay dareemayso in IGAD ay 11 kii sannadood ee u dambeeyay isku wareejinayeen Kenya iyo Itoobiya, waxaanu dalka Djibouti ku cabanayaa in Itoobiya iyo Kenya ay iska bahaysteen dalalka kale ee gobalka siyaasad ahaan oo ay la wareegeen maamulka IGAD.

Djibouti iyo Kenya ayaa waxa soo dhex galay khilaaf ku saabsan kursiga golaha ammaanka ee Afrika oo ay si weyn ugu tartameen iyadoo Kenya heshay kalsoonida Midowga Afrika. Soomaaliya iyo Kenya ayaa iyaguna waxa ay isku seeganyihiin xuduudka badda iyadoo ay maxkamadda caalamiga ah taalo dacwad u dhaxaysa labadaas dal.

Dadka falanqeeya siyaasadda gobalka Geeska Afrika ayaa saadaalinaya in khilaaf soo kala dhex geli doono madaxda IGAD, haddii aanu Raysalwasaaraha Itoobiya ku guulaysan dedaalo uu doonayo inuu ku dejiyo xiisadan, waxaanu dhawaan Dr. Abiye socdaal ku tagay dalka Djibouti si uu u dejiyo dareenka Madaxweyne Geele ka qaatay arrinta IGAD.