“Culimada Islaamku intooda badan waxay qabaan in qofka hanti ummadeed Xadday, Gacanta la goynayo, Hantiduu qaatayna laga soo celinayo..” Sh Maxamed Sh Cumar Dirir

0
18

“Culimada Islaamku intooda badan waxay qabaan in qofka hanti ummadeed Xadday, Gacanta la goynayo, Hantiduu qaatayna laga soo celinayo..” Sh Maxamed Sh Cumar Dirir

Sheekh Maxamed Sh Cumar Dirir ayaa kula dardaarmay qofka masuulka ah ama qof kastoo hantida ummada waxeeda qaadanaya, u dhaqmo sidii Khulafaa’ul raashidiinta, dadka xunna aanay ku dayane, dadka wanaagsan ku deydaan.

Sheekh Maxamed oo khudbadii Jimcaha ku soo qaatay halista ku-xad-gudubka hantida Ummada, qeybtii horena kaga hadlay sida shareecada Islaamku uga digtay iyo noocyada hantida ummada loo yaqaan, ayuu qeybtan labaad oo u kaga hadlayo asbaabaha keena ku xad-gudubka iyo sida qofkii ku dhaca uga toobad keenayo, ayaa ku bilaabay,

“Asbaabaha keena in qofku ku dhaco ku xad-gudubka hantida ummada, wax aka mid ah ducful-iimaan, ama iimaankooda oo qoonma, maxaa yeelay, Iimaanka ayaa qofka ku abuura, maxaa xalaal ah ama xaaraan ah, laakiin marka Iimaanku ka qoomno aduunyada yar ayaa u hilaacaysa, natiijada dambena ma eegayo. Waxa ka mid ah in qofka akhlaaqdiisu qaloocanto, oo xitaa xishoodku ka lumo, oo dadku inta ay ku sii baaqi tahay sharaf ay ilaashadaan iyo dhegtooda oo ay dhowraan, oo magaca reer hebel, magaciisa iyo ka qoyskiisa u tudhayo, arrimahaa kuma dhacayo, balse had iyo jeer marka gobannimadu ka lunto, oo gunnimada u dhacaan weeye marka waxii ka dhexeeyey ay boobayaan. Waxa ka mid ah isagoo qofku jaahil ka ah diintiisa, ama garanayn xeer ciqaabeedka shareecada islaamku u dhigtay.

Sheekh Dirir oo sii faahfaahinayey asbaabaha keena in qofku ku xad-gudbo xoolaha ummada ayaa sheegay in culimadda islaamku intooda badan qabaan in gacanta la goynayo qofkii dhaca xoolaha ummada, laga soo celinayo waxuu qaatay, isagoo yidhi,

‘Culimada islaamku intooda badan waxay qabaan in qofka hanti ummadeed qaatay, gacanta la goynayo, xantiduu qaatayna laga soo celinayo. Waa laysku waafaqsan yahay in waxuu qaatay laga soo celinayo, laakiin, inbadan waxay qabaan in gacantana la gooyo. Asbaabta keenta xatooyada waxa ka mid ah inaan qofka samaynaya qalibiisa ilaahay ku jirin, oo aanu ogeyn in ilaahay ishiisu hayso, kana warhaynin, waxa ka mid ah iyadoon shareecada islaamka la oogeyn, oo ummadaasi aanay shareecadii fulinayn ama hirgelinayn ku dhaqankeeda, waayo marka shareecada lagu dhaqmayo qofwalba ciqaabta uu muto ayaa la marinayaa, kii cid gaar ah wax ka xadda, kii xoolaha ummada xadda, markaan shareeco lagu dhaqmayn amba qaataye qaadadu way iska badanaysaa. Waxa ka mid ah Dawladda oo daciif noqota, oo waajibkeedii gudan kari weyda, oo keeni karta in cid walba waxaanay lahayn qaadato, ama waxii ummada ka dhexeeyey, waxa ka mid ah hogaamiyaha (madaxweynaha) oo doorkiisa qaadan waaya, oo ka gaabiya, taasoo keenaysa in dadku waxii ummada ka dhexeeyey kala qaataan, ama ku xad-gudbaan, ama daryeeli waayaan, sidaa ayuu Cumar binu khadaab RC lahaa, ‘Ciraaq hadii waddooyinku ka xumaadaan, oo dadka iska daaye, xoolahu wax ku noqdaan ama ku jabaan, qiyaamaha Cumar ayuu Ilaahay weydiinayaa? Oo la odhanayaa Cumarow, maxaad dadka iyo duunyada dariiqa ugu hagaajin weyday?. Waxa ka mid ah naxariistii walaaltinnimada iyo tudhaalaha islaamka oo ummadda ku yaraada, waayo qofku waxuu odhan lahaa bal ummadaada u kaadi kuwo sidaa & sidaau dhibban ayaa ku jiree?

Mar uu ka hadlayey xilka ummada saaran si loo ilaaliyo hantida ka dhexeysa ayuu sheegay Sheekh Maxamed in qofka falka xatooyadda samaynaya ummadu meel uga soo wada jeedsato, waxaanu yidhi,

“Waxa ummada la gudboon in qofka falka xatooyadda samaynaya meel looga soo wada jeesto, si qofkaasi u arko haduu Ilaahay ka cabsan waayey, ummada ka cabsado, ogaadana in dadku waxooda ilaashanayaan. Waa in la yidhaahdaa ilaahay kuma jecla, annaguna kuma jeclin, markaa hebeloow ka joog, sidaa masuul noogu noqon maysid? Ilayn ilaahay baa tilmaamay inuu qofka qiyaamaha fadeexadaynayo, agtayadana waad ka fadeexadaysan tahay oo sidii Nebiga CSW la yidhaahdo ‘Hadaad hantidii ummada ilaalin kari weyday, guriga hooyada iska joog. Nin buu Nebigu CSW xoolo u diray inuu soo uruuriyo, markuu keenay xoolahii, ayuu yidhi, intani waa xoolahii lay diray, intana annigaa lay soo siiyey, Nebigu CSW wuu cadhooday, mimbarkuu fuulay, ummadii ayuu la hadlay ‘maxay u dhacaysaa arrinta noocaas ah’ ayuu yidhi, ninka magaciisa ma sheegin? Intaan qof u dirno inuu xoolo soo uruuriyo inuu sidan wax u qeybiyo? Oo yidhaahdo ‘intana ummadaa leh, intana anniga leh? ‘bal muu gurriga hooyadii iyo aabahii fadhiisto, oo eego bal in cid wax u hadyeyso iyo inkale? Ilayn shaadhkii ummada ayuu xambaarsan yahay oo ku macaashayaaye’. Waxaynu leenahay qofka masuulka ah ee ummada waxeeda qaadanaya, u dhaqan sidii Khulafaa’ul raashidiin, dadka xun haku dayane, dadka wanaagsan ku dayo. Saxaabadii abu-bakar iyo cumar rc waxay odhan jireen ‘waxaan xoolaha ummada ka taagan nahay, sidii qof xoolo agoomeed haya’ oo xoolaha agoonta Ilaahay waxuu inna yidhi ‘qofka wax haysta ha iska daayo xoolaha agoonta, qofkii faqiir ah een waxba haysana, haka cuno in kooban, oo markaa waxuu ku noolaanayey ah’. Waxaynu leenahay si xoolaha ummada loo ilaaliyo, waa in qofba qofkuu ka sarreeyo inuu ka dhowrsan yahay maalka ummada, midba midkuu ka hooseeyana wuu iska deynayaa, kuwa u sarreeya marka ay cunnaan, kuwa ka hooseeyana wey ku deynayaan. Waxa dhacday in asxaabtu rideen dawladii Faaris, ee Iraaniyiintii wakhtiga joogay, ee Dab-caabudka ahaa, dadkii Muslimiintu waa kuwii xorreeyey, ee ka adkaaday, futuuxaadkuna dhaceen, saxaabigii Sacad bin abii waqaas RC iyo colkuu hogaaminayey xoolo aad u badan ayey ka soo heleen, ninkii Kisra la odhan jiray, ee dhan walba dahabka iska dhigay, daaro dahab ah, xoolo dahab ah, waxii ayaa la soo wada qaaday, Sacad waxuu asxaabtii u qeybiyey qanniimadii la helay qeybtoodii, ninwalba 12 kun dirham ayuu helay, qeybtii muslimiintu wada lahaydna wuu soo diray, Cumar binu khadaab RC ayey xoolahii soo gaadheen, intuu sidaa u eegay ayuu yidhi ‘dadka xoolahaa soo diray ee qaadan waayey waa aaminiin, kuwan in amaanno lagu hubo ayaan uga markhaati kacayaa.’ Cali bin abu-Daalib RC oo la joogay ayaa yidhi ‘Adigaa dhowrsoonaaday, markaa ayey ummadaadiina kugu dayatay oo dhowrsoonaadeen, hadaad iska daaqi lahayd, iyaguna way daaqi lahaayeen? Markaa hantida ummada hadii la doonayo dhowritaankeeda, sida loo kala sarreeyo waa in laga bilaabo, si ummaduna ugu deyato.

Gebagebadii, Sheekh Maxamed oo ka hadlayey sida qofka xoolaha ummada cunay ee lagu xad-gudbay looga toobad keenayo ayaa yidhi,

“Waxa looga toobad keenayaa in ugu horreyn qofku gacanta ka qaato xatooyadda, kana toobad keeno inaanu dib ugu noqon, hantidiina ummada u soo celiyo, itii ay doonto ha le’ekaatee, waxuu ummada ka qaatay soo celiyo, meelahuu ka qaatayna ku soo celiyo cidda masuulka ka ah, waa sida Culimadda Fuqahada oo dhan ka waramayaan, Imaamul-Nawawi (raximahu-laah), Ibnu-Qudaama, dhamaantood culimadda fiqigu waxay leeyahiin Towbadda waxa shardi u ah qofku waxuu qaatay inuu soo celiyo, isagoo weliba cudur-daarna bixinaya, hadii ay dhacdo meesha uu ku soo celinayo dadka masuuliyiinta ka mid ah inay iyaguna sii lunsanayaan, oo ay sii qaadanayaan, dee daalin kaloo isaga bedelaya ayuu xoojinayaaye, meel dannaha guud ee ummada ah ayuu gelinayaa, ilayn ummada ayey waxani ka maqnaayeene, habka looga toobad keenayana waa habkaas, oo culimaduna isku waafaqsan yihiin, Nebiguna CSW waxuu yidhi ‘Gacan walba waxa lagu leeyahay waxii ay qaaday, ilaa ay soo celinayso” ama hantida ummada ee caanka ah haka qaato ama qof gaar ahe, ama ha noolaado ama ha dhintee, waxan yaa lahaa, yuu ka maqnaa, waa inaad soo celiso, markaa ayey toobadu hirgelysaa, laakiin hadii qofkii toobad keeno balse hantidii iska haysto oo iska isticmaalayo, toobadiisii ma ansixin. Waxaynu arrimahan isugu baraarujinaynaa dad asxaab ah, ehel ah, oo isku xidhan ayeynu nahay, qofkii xaaraanta qaatay waxa halis loo yahay inuu dhan uu kaa soo galo, ama yarad baa inantaada loo siinayaa, ama gabaati, ama muquuno, kollay dhan uun buu kaa soo gelayaa, markaa hebelaa qaata kuma ekaanayso, mar uu ku casuumana, mar uu kuu dhiibana, meel uun buu kaa soo gelayaa, arrintani waxay u baahan tahay inaynu talaabooyinka aqaadno, si aynu u horumarno, oo u nasanno, oo u badbaadi karno aduunka iyo aakhiraba, idamka Alle.

Comments

comments

LEAVE A REPLY