Xafladii Caleemo Saarka Axmed Madoobe Oo Laga Akhriyay Hambalyo Uu U Diray Faysal Cali Waraabe

0
372

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan oo caleemo saarkii madaxweynaha dib loo doortay ee Axmed Madoobe ka sheegay in ay si rasmi ah u martiqaadeen Somaliland laakiin, aanu weftiga Somaliland sidii la rabay u iman arrimo la xidhiidha xayiraad.

Maxamed Cilmi Aadan (Ilkacase) agaasimihii hore ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Somaliland ayaa ka soo dhexmuuqday xafladda caleemo saarka inkasta oo jiraan warar sheegaya in ay dad kalena ka qayb galeen. Ilkacase wuxuu sheegay in aanu Somaliland metelayn ee uu iskii u tagay xafladda oo lagu casuumay.

Madaxweyne ku xigeenka Jubaland faahfaahin kama bixin caqabadaha weftiga Somaliland u baaqday sidoo kale ma sheegin in ay casuumeen xukuumadda madaxweyne Biixi iyo in kale.

Sida oo kale waxa uu madasha ka sheegay in hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe la xidhiidhay madaxtooyada Jubaland waxaana madasha laga akhriyay hambalyo uu la wadaagay xafladda “Dawladda Federaalku waxay idinku samaynaysa wixii ay nagu samayn jirtay ee iska dulqaata,” Sidaas ayuu Faysal yidhi waxaana dhambaalka Faysal ka mahadceliyay madaxweyne xigeenka Jubaland.