Soomaaliya Iyo Qadar Oo Diidday Inay U Codeeyaan Qaraar Ay Jaamacada Carabtu Ku Cambaaraysay Weerarka Uu Turkigu Ku Qaaday Kurdiyiinta Suuriya

0
395

Wasiirada arrimaha dibedda ee Jaamacada Carabta ayaa magaalada Qaahira ku yeeshay shir deg deg ah oo lagaga arinsanayo weerarka Turkigu ku qaaday Kurdiyiinta Suuriya, shirkan oo ay ku baaqeen wadamada Masar iyo Sucuudigu waxa kasoo qayb-galay wasiirro iyo safiiro ka kala socday 21 ka dal ee Jaamcada Carabtu ay ka koobantahay.

Markii lagaadhay xiligii codaynta waxa qaraarka Turkiga lagu Cambaaraynayo diiday in ay u codeeyaan Wadamada Somalia iyo Qatar, Tv-ga dawlada Masar oo toos looga baahinayay khudbadaha ayaa jaray markuu khudbada bilaabay Safiirka Qadar u fadhiya Jaamacada carabta, Lakin waxa baahintii tooskii dib lasoo celiyay markuu Hadalka bilaabay masuulka Soomaaliya u hadlayay.

Safiir Tawfiiq Axmad Cabdilahi oo Soomaaliya u hadalay ayaa aad u amaanay dawlada Turkiga ” Turkigu waa dawlad aan saaxiib nahay waxayna noo dhiseen kaabayaal badan oo uu ka mid yahay ciidanka qaranka Soomaaliya arinta Suuriyana xal siyaasadeed ayay ubaahantahay “

Gabogabadii qaraar shirka laga soo saaray ayaa lagu Cambaareeyay weerarka u Turkigu ku qaaday Kurdiyiinta Suuriya,
qaraarkan ayaa lagu yidhi.

” Duulaanka Turkigu uu ku qaaday Suuriya waa mid cadawnimo ah oo lagu qaaday dal carbeed oo ay waajib tahay in laga jawaabo “