Magacyada Xubnaha Madaxweyne Muuse Biixi U Diyaariyay Komishanka Cusub Ee Doorashooyinka

0
415

Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa la sheegay in uu diyaariyay Saddexda xubnood ee ka mid noqonaya guddida doorashooyinka Qaranka ee cusub kadib markii xisbiyada Waddani, UCID iyo guurtidu soo gudbiyeen afarta xubnood ee ay soo magacaabayeen.

Sida uu ku warramayo wargeyska Geeska Afrika ee Hargeysa ka soo baxa waxa uu madaxweyne Biixi diyaariyay in ay guddida doorashada ka mid noqdaan:

Mustafe Maxamed Daahir oo ah nin da’a yar oo aqoon yahan ah;
Kaltuun Sheekh Xasan Cabdi oo ka mid ahayd guddida doorashada ee wakhtigeedu dhammaaday;
Cabdirashiid Maxamuud Cali (Riyo-raac) oo ah siyaasi xilal ka soo qabtay Somaliland.
Madaxweynaha ayaa la filaya in uu todobada xubnood ee Komishanka doorashooyinka maanta u gudbiyo Golaha Wakiillada si ay waajibkooda uga gutaan.

Xubno Khilaaf abuuri kara
Cabdirashiid Riyo-raac iyo Kaltuun Sheekh Xasan ayaa durba walaac laga muujinaya. Kaltuun ayaa ka mid ahayd guddida xisbiga Waddani kalsoonida kala noqday halka Cabdirashiid Riyo-raac ka dhex muuqday siyaasadda xisbiga Kulmiye waxaanu xisbiga UCID sheegay in sharcigu reebayo maaddaama qof siyaasad ka madax bannaan oo dhexdhexaad ahi ka mid noqon karo guddida.