Ciidammo Ka Goostay Somaliland Una Wareegay Puntland

0
378

Wararka aanu ka helayno deegaanka Ceelbuh ee gobolka Sanaag ayaa waxa ay sheegayaan in Puntland ay ku biireen saldhiggii iyo ciidamadii magaalada Ceelbuh ee gobolka Sanaag ee Somaliland.

Saarkaal u hadlay Puntland ayaa sheegtay in ciidamadani yihiin kuwii ugu danbeeyey ee Somaliland u joogay soone Badhan.
Ciidamo xooggan oo Somaliland ah ayaa hore ugu biiray Puntland taas oo walaac hor leh sii galinaysa gacan ku haynta Somaliland ee Sanaag Bari.

Ciidamada u tallaabay dhanka Puntland waxa hoggaaminaya Gaashaanle Mustafe Siciid Toor sida maamulka Puntland oo ciidamada soo bandhigay shaaciyay.