Dagaal Ka Dhacay Deegaanka Ceel-Afweyn

0
521

Wararka naga soo gaadhayaa Degaanka Masle oo ka tirsan degmada Ceel-afwayn ee gobolka Sanaag ayaa waxaa halkaasi ka dhacay dagaal uu dhexeeya labadii beelood ee walalah ahaa ee mudada dheer ku dagaalamayey degaanada Ceel-afwayn ee gobolka sanaag waxaan dalkaasi uu bilaamay abaaro salaadii casaar iyadoon laga soo sheegayo dhimasho iyo dhawaac labadaba.

Degaanka Masle oo ka tirsan degmada ceel afwayn ayaa hadda waxa ku sii qul qulaaya ciidanka qaranka somaliland ee ku sugna degmada Ceel-afwayn ma jirta cid xaqiijsay tirada ku dhimatay dagaalkasi iyo dhawaaca labadasi beelood balse waxa ay sheegayaan wararka aanu helaynaa in uu jiro dhimasho.