Xildhibaan Ilhan Cumar Oo Lagu Eedeeyay Inay Ka Soo HorJeedsatay Qaddiyadda Somaliland

0
570

Weerarka dhanka afka iyo warbaahinta loo adeegsado ee u dhexeeya Xildhibaan Ilhaan Cumar iyo madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa soo galay qaddiyadda citiraaf raadinta ee Somaliland.

Xildhibaan Ilhaan Cumar iyo Trump waxa dhex maray dagaal dhanka weedhaha iyo warbaahinta ah oo aanay waxba iskula hadhin, islamarkaana is xajiimayn iyo dhinac walba in uu dhanka kale arrimo kala duwan ku eedeeyo ah.

Qaar ka mid ah warbaahinta Maraykanka oo u muuqata in ay u janjeedho dhanka Trump ayaa ka warramay in Ilhaan Cumar ka soo horjeedo qaddiyadda Somaliland, islamarkaana dhabarka u jeedisay dadaallada citiraaf raadinta iyada oo qalbiga ka jecel Soomaaliya oo ay tilmaameen in ay ka soo barakacday.

Warbixinta ayaa si weyn loogu ammaanay Somaliland waxaana si weyn loogu celceliyay dhalliilidda Soomaaliya iyada oo si weyn loo adeegsaday waddanka fashilmay ee Soomaaliya, waddan musuqmaasuq ragaadiyay iyo meel dagaallo halakeeyeen in ay tahay.

Waxa Ilhaan lagu eedeeyay in ay neceb tahay Israa’iil oo ah dalkii u horeeyay ee Somaliland aqoonsaday 26 June 1960 markii Ingiriisku xorriyadda siiyay, islamarkaana ay jeceshahay Falastiin iyada oo sidoo kalena neceb Somaliland.

Dawladda Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu eedeeyay in ay si la mid ah Ilhaan u neceb tahay Israa’iil waxaana tusaale loo soo qaatay masuul ka tirsana wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya oo boggiisa ku qoray qoraal kooban oo uu ku taageerayo xidhiidh diblamaasiyadeed oo dhex mara Somalia iyo Israaiil laakiin, arrintaasi awgeed shaqada looga eryay.

Waxa warbixinta lagu gabogabeeyay in Soomaaliya iyo Ilhaan ka soo horjeedaan madax bannaanida Somaliland sidoo kalena ka soo horjeedaan Israa’iil.

Halkan hoose ka akhriso warbixintan:

https://www.frontpagemag.com/fpm/274739/omar-turns-her-back-somalilands-aspiration-freedom-joseph-klein?fbclid=IwAR29-NWEqhE4ezvloV_Us1iwdpKW08eAc-n91l4nPFDxmtUq93PXDDHMBSY#.XWY0oGfLN0k.facebook