Somaliland: “Qolada Aan Ka Dhashay Ee Habarjeclo Waxa Horyaalla Oo Ay Kala Dooran Kartaa Guul Iyo Gobannimo Isku Sidkan Iyo Guuldarro Iyo Gunnimo Isku Tolan Midkood” W/Q Maxamed Baashe Xaaji Xasan

0
70

“Qorigu” maanta ma talin karo, maangalna ma aha ee aynu caqli kale la nimaadno.

Dulmiga iyo caddaalad darrada xukuumadda maanta jirtaa ay horseedka ka tahay waxa ugu horreeya ee laga la hor tegi karaa qori iyo rasaas ma aha.

Wax badan baa ka horreeya in la isku dayo in baaruud lagu kala calaf qaado.

Waa aynu aragnaa hoggaankii codka bulshada inteeda badan ku soo baxay in uu cagta saarayo jidkii hoogga iyo sharka. Waa kaas tubtii shalay adhaxda lagaga wada jabay taladii ummadda la qooranaya.

Waxa uu sii kala qaybinayaa bulshadii awelba kala qaybsanayd. Iyada oo iska kala qaybsanayd ayuu marna mansabyo dawladeed oo awood-qaybsi miisaaman u baahnaa ku kala qaybiyey, maantana lifaaqyo qabali ah oo shaadh dawladeed xidhan ku sii kala qaybinayaa.

Arrintu gadoodka Col Caarre waa ay ka fog tahay oo ka sii shishaysaa. Halka ay dorraato (Gen Taani) iyo shalayto (odayaashii Garxajis) ay arrinta gaadhsiiyeen waxa ay soo kicinaysaa ladh iyo doog xun oo gamaarsanaa. Fitno huruddey ayay sardhada ka soo kicin kartaa.

Waa aynu aragnaa sida taban ee naaquska ah ee labadaas loo la kala safanayo ee dabkii in “biyo” lagu rusheeyo ay ahayd “gaasta” loogu sii darayo.

“Gaas bay ku darayaan
Meel daad u baahnayd”.

Haddii aan la kala roonaan roob ma da’o. Godkii iyo dalluuntii shalay in lagu wada hoobtaa waa habaar.

1960 ayay tan oo kale afuuftay suurkii madaxbannaanidii gaarka noqon lahayd ama midnimadii talada wadajirka ah iyo qorshaha u baahnayd.

Waa tii mar kale lagu hoogey ee kubka iyo bawdada lagaga wada jabay ee halasaha kulaylka dirireed ina gelisey 1994 – 1997.

Waa tubtii iyo tabtii dib u dhaca iyo qoomammada badnaa naca maantana daramalka iyo durbaankiisu uu dusheenna ka darandoorri dhacayaa.

Waa taas dusheenna la isku haysto ee weedhaha iyo hadallada dhiif iyo dhiillo-sideenka ah la isu marinayo ee carruur iyo cirrooleba ku dhegabarjoobeen.

Muumin laba jeer isla god qudha laga ma wada qaniino, dab munaafaq shiday na Muumin baa ku gubta.

Gurigii aad soo gasho iyo goobtii aad timaaddo ba waxa ka daaran oo ka baxaya sawaxanka iyo qaylada hadalladaas naxli abuurka ah ee hawada la isku marinayo ee labada dhinac iyo inta kala taageereysa.

Labada dhinac ee sida tooska ah iyo sida dadban ba isugu dhoollo-tusanaya waa in ay jirtaa cid saddexaad oo taas ku diiddan oo kaga horjeeddaa, una gar qaadi karta, baajinna karta dirir iyo colaad kala daadisa wixii muddada dheer lagu soo tabcayey.

Waa doqonniimo in aynu sidii shalay 1994 ula kala safanno oo dhinac ugu raacno ama ugu xuslinno.

Odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka Somaliland waxa u bannaan kaalin taariikhi ah oo baalasha sooyaalka soo aaddani u soo hamuumayaan, kaalintaas oo haddii ay ka soo dhalaalaan xuruuf dahabi ahi ku xardhami doonaan, haddii ay gefaanna guhaad iyo is ciilkaambi iyo taariikh xumo u kaydsami doonaan.

Qolada aan ka dhashay ee Habarjeclo waxa horyaalla oo ay kala dooran kartaa guul iyo gobannimo isku sidkan iyo guuldarro iyo gunnimo isku tolan midkood.

Waxa mudduci ku ah oo reerkaas faraqa haysta, waajib na ku ah, sida ay ila tahay, in qaataan doorka iyo kaalinta ladqabaynta, isu soo jiididda iyo dhexdhexaadinta labada dhinac, iyaga oo kaashanaya odayaasha samotaliska ah iyo waxgaradka beelaha kale ee Somaliland.

Anigu, qof ahaan, waxa aan tallaabo qaabkaas leh u arkaa meel wax wanaagsani ka bilaabmi karaan, lagagana fursan karo dagaal dhaca iyo colaado soo hor yeesha oo Somaliland u nugleeya kala qubasho aan dib la isugu keeni karin.

Waayo Habarjeclo?

Waa reer weyn oo ka mid ah rukumada ay Somaliland ku taagan tahay ee horrayso iyo dambaysaba tacabka badan u huray
Waa reer dhaqaale ahaan culayskaas qaadi kara maanta
Waa reer xukuumadda jirta taageero weyn siiyey soo bixiddeedii xilligii doorashada
Waa reer ay ool (degaan) iyo dhaqan wadaag yihiin dhinaca labaad, gaar ahaan Habar Yoonis min Sanaag, Sool, Togdheer ilaa dhulka Soomaalida ee Itoobiya
Waxa jirtey surmaseegto hore oo 1994 dagaalladii bilaabmay ka soo jeedda oo in aanay maanta mar kale dhicin loo baahan yahay.
Far keli ahi fool ma dhaqdo’e, haddii odayaasha dhaqanka, waxgaradka, culimada iyo ganacsatada Habarjeclo, iyaga oo kaashanaya beelaha kale odayaashooda samotaliska ah, min Sool iyo Sanaag ilaa Awdal iyo Selel, ay hormood u noqdaan dedaal hufan oo ay kartiyi riixayso, waxa ay iigu muuqataa, in wax badan tallaabadaas looga aayi doono dal, dad iyo dawladnimadiisaba, laguna baajin karo colaad baahda.

Halkaas waxa ka abuurmi kara, ayay ila tahay, jawi siyaasadeed oo lagu sii ambaqaadi karo hirgelinta dawladnimo ay bulshadu leeyahay oo ka dhexaysa min daaf ilaa daanta kale.

“Belo saacaddeed joogta
Sabti nabad ah haw riixin”.

W/Q Maxamed Baashe Xaaji Xasan

Comments

comments