Boqortooyada Sucuudiga Oo Aqoonsatey Passport-ka Somaliland Kadib Markii

0
835

Dawladaha Sucuudiga iyo Qatar ayaa ka dib markii ay jareen xidhiidhkii ka dhaxeeyay waxay isku qadeen dagaalo dublamaasiyadeed.

Warbixin uu daabacay wargeyska Daillysabah ayuu ku sheegay in dawladaha Qatar iyo Sucuudiga ay dagaalkooda dublamaasiyadeed u soo wareejiyeen wadamada soomaaliland iyo soomaaliya, waxaanu soo bandhigay talaabooyinka ay sida dadban iskugu jawaabayaan ee ay qaadeen mudooyinkii ugu dambeeyey.

Sidoo kale wargeyska ayaa sheegay in dawladaha Qatar iyo Sucuudigu ay hada kordhiyeen saamayntii ay ku lahaayeen wadanka soomaaliya, waxaanay warbixinta wargeysku intaas raacisay in soomaaliya oo ay ka jiraan dagaalo sokeeye, faragelin shisheeye, dagaalo la xidhiidha khayraadka iyo abaaro soo noq noqda ay u baahan tahay taageero dhaqaale oo ay horumar kaga samayso dagaalada ay kula jirto kuwa nabada ka soo horjeeda.

Dhinaca kale wargeyska ayaa sheegay in wadankii Soomaaliya la odhan jiray uu haatan noqday somaliland iyo soomaaliya, iyada si gaar ahna warbixintan loogu xusay in maamulka Jubboland uu damacsan yahay inuu ka madax banaanaado xukuumada federaalka ah ee Muqdisho.

Wargeyska ayaa sheegay in dawlada Qatar ay kordhisay maalgelintii ay ku samaynaysay dalka soomaaliya, iyada oo haatana bilawday inay dhisto dekeda Hobyo oo ah mid ku taala goob muhiim ah oo aad ugu dhaw marinka Babel Mandeb oo ku jira marinada ugu muhiimsan ee looga soo talaabo wadamada bariga Afrika ee ku xidha suuqyada caalamiga ah.

Sida uu sheegay wasiirka arimaha dibada ee Qatar Dhismaha dekedan ayaa noqonaysa mid waji cusub u yeesha xidhiidhka iskaashi ee soomaaliya iyo Qatar isla markaana la filayo inay kor u qaadi doonto dhaqdhaqaaqa ganacsiga ee soomaaliya ku leedahay bariga Afrika.

Wargeyska ayaa sidoo kale sheegay in dawlada Soomaaliya ay bishii June ee sanadkan ay ganafka ku dhufatay dhaqaale gaadhay $80 Million oo ay ugu deeqday dawlada Sucuudiga oo ka codsatay inay xidhiidha dublamaasiyeed u jarto dalka Qatar.

Dhinaca kale wargeyska ayaa sheegay in go’aanka soomaaliya ay qaadatay ay dawlada sucuudigu kaga jawaabtay inay aqoonsato baasaaboorka somaliland ka dib markii ay madaxweynaha somaliland Md Muuse Biixi uu martiqaad rasmi ah ku tagay wadanka Sucuudiga ka hor gudashadii xajka, kaas oo noqday madaxweynihii ugu horeeyey ee somaliland ah ee wadanka sucuudiga ka hela maamuus dublamaasiyadeed heersare ah.

sidoo kale wargeyska ayaa sheegay in dawlada Sucuudigu ay ogolaatay in waajibaadka xajka lagu soo guto baasaaboorka somaliland oo ka madax banaan kan soomaaliya, waxaanu intaas raaciyey in dawlada Sucuudigu ay somaliland oo u oofisa wadankaasi uu u aqoonsaday inay tahay dal madax banaan.

sidoo kale wargeyska ayaa sheegay in dawlada Sucuudigu ay ogolaatay in waajibaadka xajka lagu soo guto baasaaboorka somaliland oo ka madax banaan kan soomaaliya, waxaanu intaas raaciyey in dawlada Sucuudiga oo ay somaliland xoolaha u dhoofiso uu u aqoonsaday inay tahay dal madax banaan.