Ujeedada Kulan Uu Gudoomiye Ciro La Qaatay Xubnaha Xisbigiisa Ee Gobolka Awdal

0
572

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka  WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa habeenimadii xalay kulan muhim ahaa oo is xogwareysi ah la qaatay Maamulka Gobolka Awdal ee Xisbiga WADDANI.

Guddoomiyaha ayaa maamuus casho sharaf ah u sameeyey dhammaan xubnihii maamulka gobolka iyo degmo ee Gobolka Awdal isaga oo ku dardargeliyey sii laban-laabidda howlaha Xisbiga ee Gobolka Awdal iyo Salel, waxaana uu Guddoomiyuhu ku dardaaray in laga shaqeeyo sidii gobolka Awdal iyo Salel ay u sii xejisan lahaayeen kaalintooda koowaad ee taageerada labada gobolka.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha ayaa ku ammaanay maamulka iyo xubnaha kaleba sida hagar la’aanta ah ee ay uga howlgaleen howlaha xisbiga, isaga oo ku bogaadiyey sida ay u hirgeliyeen barnaamijka xubinimada xisbiga ee gobolka Awdal iyo Salel.