Wasiir Maxamed Muuse Oo Dabkii Loogu Tala Galay inuu Bakhtiiyo Gaas Kale Ku Sii Dul Shubay Eex Iyo Qabyaalad Qaawana Kula Dhex Dhacay.

0
689

Wasiir Maxamed Muuse Oo Dabkii Loogu Tala Galay inuu Bakhtiiyo Gaas Kale Ku Sii Dul Shubay Eex Iyo Qabyaalad Qaawana Kula Dhex Dhacay.
Kadib Mudo Sanad Ka Badan, Oo Wasaarada Warfaafinta Somaliland Oo Ah Muraayadii Qaranka Ay Dul Hoganayeen Dhibaatooyin Salka Ku Haya Maamul Xumo Iyo Maarayn La’aan Baahsan, Oo Sabab U Noqotay Hoos U Dhac La Xidhiidha Adeegii Wasaaradaasi Qaranka Ugu Astaysnayd,Iyo Kala Qaybsanaan Dhinaca Shaqaalaha Ah.

Waxa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi Uu Xilkii Ka Qaaday Maasuuliyiintii Wasaaradaasi Sida Wasiirkii Warfaafinta Craxmaan Guri Barwaaqo . Wasiir Ku Xigeenkii Muuse Abbes

Iyo Agaasimihii Guud.
Shaqaalaha Warfaafinta Iyo Guud Ahaan Shacbiga Somaliland. Waxay Si Isku Mid Ah Usoo Dhoweeyeen Talaabadaasi Madaxweynuhu Xilka Kaga Qaaday Xubnahaasi Oo Dhab Ahaantii La Aaminsanaa Inay Ahaayeen Saldhigga Dhibaatada Hadhaysay Wasaaradaasi.

Iyadoo Ka Sokow Regaadka Ay Gaadhsiiyeen Shaqadii Qaranka Ee Loo Igmaday,Ay Halkaasi Ka Geysteen Falal Musuq Maasuq Oo Dhiig Bax Ku Ah Qaranka Sababtayna Heer Kiiskooda Loo Gudbiyo Garsoorka Dalka.

Madaxweynaha Somaliland Waxa Uu Xubnahaasi Bedelkooda Wasaaradda Warfaafinta U Magacaaabay
Wasiir Maxmed Muuse Diiriye
Wasiir Ku Xigeen Bedel Kaga Yimi Wasaarada Caafimaadka Iyo Agaasime Guud.

Natiijada Laga Eegayay Isbedelkaasi Waxa Gundhigiisu Uu Dabcan Ahaa, Mid Madaxweynaha Somaliland Diirada Ku Saarayo Daawaynta Dhibaatadii Iyo Qalalaasihii Ka Oognaa Wasaarada Ee U Dhexeeyay Maamulkii Hore Iyo Shaqaalaha Iyo Sidoo Kaleeto Inay Dib Boodhka Uga Tumaan Adeegii Iyo Hawl Qabadkii Warbaahinta Dawladda Ee Mudadaasi Aynu Soo Sheegnay Meesha Ka Baxday.

Waxa Hadaba La Yaab Ku Noqotay Shacbiga Iyo Badiba Shaqaalaha Ka Hawlgala Wasaaradaasi In Iyadoo Maanta Laga Joogo Mudo Shan Bilood Ah Waqtigii Uu Xilka Wasaarada La Wareegay Wasiir Maxamed Muuse Diiriye Oo Isagu Khaasatan Sida La Sheegay Agaasime Kasoo Noqday Tvga Dawlada Waqtigii Daahir Riyaale,Ay Xaajadu Halkeedii Iyo Meelo Kasii Halis Badan Taagan Tahay.
Idaacadii Weynayd Oo Hawada Ka Maqan,Kala Qaybsanaantii Shaqaalaha,Iyo Niyad Jabkii Oo Aan Waxba Iska Bedelin.
Tvga Qaybtii Localka Oo Maqan,Iyo Tayo Xumadii Wax Soo Saarka Oo Hoos Usii Dhacay, Halka Eexdii Iyo Qabyaaladii Qalalaasuhu Ka Dhashay Ee Ay Ku Kaceen Madaxdii Hore Ee Wasaaradu,Sida La Sheegay Wasiirkan Cusubi Dhibco Badan Kasii Kor Maray.

Talaabooyinka Yaq Yaqsiga Leh Ee Laga Soo Sheegayo Inuu Ku Kacay Wasiirka Warfaafinta Ayay Ka Mid Tahay ,In Tirada Madaxda Qaybaha Ee Uu Ilaa Imika Magacaabay Noqonayaan 12 Xubnood Kuwaasi Oo 8 Xubnood Oo Ka Mid Ahi Yihiin Beesha Uu Wasiirku Kasoo Jeedo, 8 Kale Oo Aan Magacaabis Toos Ah Wadanin Balse Si Dadban Madaxtooyada Looga Soo Diray Mashaariic Iyo Mansab Aan Ilaa Hadda La Aqoonsana Wasaarada Ka Dhex Wata Sidoo Kale,Waxaa Jira Falal Guracan Oo Uu Wasiirku Ku Soo Dhowaysanayo Shakhsiyaadka Ku Qabiilka Ah,Halka Uusan Kaba War Qabin Inuu Wasiir U Yahay Kuwa Beelaha Kale Ee Ka Hawlgala Wasaaradaasi,Halka Uu Geesta Kalena Taageerayaal Iyo La Taliya Yaal Ka Dhigtay Kuwii Qalalaasaha Geliyay Wasaarada,Isla Markaana Sed Bursiimo Ugu Sii Daray Halkii Laga Eegayay Inuu Gacan Bir Ah Ku Qabto,Garab Iyo Gaashaana Ka Dhigto Hawl Wadeenada Daahirka Ah.

Talaabooyinkaasi Eexda Iyo Maamul Xumada Ku Dhisan Ee Hab Dhaqanka U Noqotay Wasiirkii Muuse Diiriye,Iyo Mashaakilaadkii Oo Taagan Halkoodii,Waxay Keentay In Shaqaalaha Wasaaradaasi Hal Hays Ka Dhigtaan Weedho Ay Ka Mid Yihiin (Salaamu Laahi Calaa Guri Barwaaqo),..

Waxay Kuu Sheegayaan Shaqaalaha Wasaarada Inaanu Ilaa Eeggan La Joogo Wasiirku Wax Xog Ah Kala Wadaagin Shaqaalaha Muhiimka Ah Mashaakilaadkii Dhacay Iyo Waxyaabaha Ay Ka Dhasheen,

Waa Nin Isku Mashquulsan Oo Maalinba Warqad Uu Ku Magaabay Cid Aan Loo Fadhiyin Salaada Casar Ka Hor Soo Bixisteeda Lagu War Helo,Isla Markaana Aaminsan In Wasaarada Loo Keenay Inuu Kolba U Jawaabo Mucaaridka Iyo Hadalada Ka Soo Duula Dawlada Muqdisho Ee Wareersan,

Kolkaa Waxay Ila Tahay Inaanu Madaxweynuhu Wanaag La Doonayn Wasaaradan,Hase Ahaatee Uu Ku Talo Galay Inuu Khariidada Ka Tir Tiro,Hadaanay Sidaas Ahayn Bal Muxuu Ku Door Biday Madaxweynuhu Inuu Laba Wasiir Oo Isku Qabiil Ah U Kala Bedelo Wasaarada,Hadii Uu Kii Hore Beesha Madaxweynaha Ahaa, Aakhirana U Diray Wasaaradii Warfaafinta,Bal Muxuu Mid Isla Beeshii Uun Ah U Keenay, Ee Ugu Soo Diri Waayay Mid Beelaha Kale Ee Somaliland Ah, Oo Aakhiro Kasoo Saara Ifkana Keena Wasaarada. Sidaasi Waxaa Yidhi Xubno Ka Mid Ah Shakhsiyaadka Caanka Ah Ee Kasoo Hawl Gelayay Warfaafinta Waqtiga Aadka U Dheer.

Si Kastaba Ha Ahaatee Madaxweynaha Waxaa La Gudboon Inuu Indho Dheer U Yeesho Dhibaatada Dul Hoganaysa Wasaarada Warfaafinta Soona Gacan Geliyo Si Uu Xog Rasmi Ah Uga Helo Halka Ay Sartu Ka Qudhuntay

Waxaana Hubaal Ah Inay Talaabadaasi Madaxweynaha J Somaliland Mudane Muuse Biixi Ka Caawin Doonto Inay U Cadaato In Wasiirkii Uu Meesha Keensaday Dhibaatadii Ka Jirtay Dab Kale Ku Sii Shiday Eex Iyo Qabyaalad Shaqaalihii Dhex Dhigay,Rajadii Ay Qabeena Cirka Ku Sii Laalay