“Maamulka Xamar Wuu Soo Qaatay, Dagaal Badheedh Ahna Wuu Inagu Soo Qaaday..” Sul Maxamed

0
684

Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Cabdiqaadir, ayaa Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi u soo jeediyey talooyin ku waajahan qadiyada madax banaanida Somaliland.

Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Cabdiqaadir, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay

“Maamulka Xamar wuu soo qaatay, dagaal badheedh ahna wuu inagu soo qaaday, waxaynu se kaga badinaynaa iyadoo uu Muuse Biixi uu safarada uu dalka dibadiisa ugu baxayo uu badiyo si uu Farmaajo u xanaaqo, safarada oo uu Madaxweynuhu badiyo, dalal badan oo uu xidhiidh la yeesho, wufuuda dalalka caalamka uu u diro, waxay inaga saacidaysaa in la ina aqoonsado, maxaa yeelay safarkii uu Madaxweynuhu dhawaan ku tagay Gini, markii ay Somaliya ka xanaaqday sharaf dhac ayaa u soo hoyday Somaliya halka Somaliland ay sharaf ka heshay, Madaxweyne Muuse Biixi waa Madaxweyne xogogaal ah oo dalkan u soo halgamay, waana Madaxweyne go’aan iyo ku dhac leh, ee waxaa looga baahan yahay inu aqoonsiga Somaliland gacantiisa ku keeno oo aanu Hargeysa la fadhiyin”.

Suldaanka guud ee Somaliland mar uu baaq u diraayey Shacabka ayaa yidhi “Dalkan halgan dheer baa loo soo galay, markaas ayuu doonaya Farmaajo oo lagu ilaaliyo Muqdisho inuu sheegto, taasina wax suurtagal ah maaha ee Shacabkeena waxaana looga baahay inay mar walba mid ahaadan, oo ay isku duubnadaan”.