Wada-hadalladii U Dhexeeyay Xukuumadda Iyo Kornayl CAARRE Oo Qarka U Saaran Inay Burburaan Iyo Cabsi Laga Qabo In Dagaal Mar Kale Qarxo + Shuruudaha Ay Kala Taagan Yihiin Labada Dhinac

0
492

Wararka aanu ka helayno halka ay marayso Waan waantii u dhexaysay Xukuumadda iyo Jabhaddii Kornayl Caarre ayaa sheegaya in aan wali la isla meel dhigin heshiis rasmi ah oo ay labada dhinac ku qancaan, waxaana laga cabsi qabaaba inuu mar kale dagaal dhaco.

Illo-Wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa daaha ka rogay in Gudiyaddii hawshaasi gacanta ku hayay ee u kala dab qaadayay Xukuumadda iyo Jabhadda kornayl Caare aanay wali ka midho dhalin waan waanta, waxaana lasoo sheegayaa in shuruudo aad ukala fog lakala taagan yahay.

Ergaddan ayaa la sheegay inay Madaxweyne Biixi u soo jeediyeen innuu saddexdan arimood ugu horayn sameeyo.

1 – Inuu Soo Saaro Qoraal saamaxaad ufidin ah oo heer madaxweyne ah islamarkaana uu u gudibiyo Hay’addaha ay khusayso sida Taliyaha Ciidamada Qaranka, Gudoomiyaha Maxkamada Sare, Garyaqaanka Guud ee QARANKA, Lana Wargeliyo Xeer Illaaliyaha Guud

2- Inuu gaadiidka iyo Hubka Jabhadda qoraal ku soo saaro inuu lacagtooda bixinayo.

3- Iyo Inuu Gudi Madax bannaan u wakiisho Caarre oo wixii ay soo go’aamiyaan uu fulinayo, kulana dhaqmayo Caarre.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa Waxa sidoo kale noo sheegeen in Madaxweyne Muuse saddexdaasi Shuruudoodaba ganafka ku dhuftay, islamarkaana uu gudida faray inuu bilaa shuruud Caarre Ciidanka Qaranka Iskugu soo dhiibo saacado kooban gudahood.

Wararkan ayaa intaasi ku daray inay Xukuumaddu sidoo kale Ciidamo badan ku daad gurayso Buurta Kulmiye oo Jihadda BARI 50km ugu toosan Ceerigaabo halkaasi oo uu fadhiisin ka dhigtay Kornayl Caare. Dadka deegaanka ayaa noo sheegay in xoog looga cabsi qabo inuu dagaal mar kale ka dhex qarxo Ciidanka Qaranka iyo Jabhadda Caare.