Wasiir Maxamed Kaahin Iyo Wasiirka Deegaanka Shugri Baandare Oo Isku Af Dhaafay Qadiyadda Kornayl Caarre Madal Madaxweyne Muuse Biixi Fadhiyay.

0
95

Wasiir Maxamed Kaahin Iyo Wasiirka Deegaanka Shugri Baandare Oo Isku Af Dhaafay Qadiyadda Kornayl Caarre Madal Madaxweyne Muuse Biixi Fadhiyay.

Wasiiraddan oo sida warkani nagu soo gaadhay ku kulmay madal uu Madaxweyne Biixi fadhiyay oo lagu soo hadal qaaday, islamarkaana lagu lafa gurayay Arinta Jabhadda Kornayl Caarre ayaa hadalo kulul iskugu jawaabay kuwaasi oo dareenkii fadhiga wax ka badelay.

Xogaha na gaadhaya ayaa sheegay in Marka hore uu Wasiir Maxamed kaahin oo ka hadlayay Jabhadda Kornayl Caare uu Caarre ku tilmaamay inuu yahay Sarkaal ka tirsan Dawladda Soomaaliya ee Farmaajo islamarkaana uu Halkaasi kasoo dab iyo Mushahar qaato, arintaasi oo uu ku soo daray hadal guud oo uu madasha ka jeediyay.

Waxa arintaasi si gaar ah uga cadhootay oo islamarkiiba sida warkani nagu soo gaadhay ka jawaabtay Wasiirka Wasaaradda Deegaanka Somaliland Marwo Shugri Ismaaciil Baandare oo ay isku deegaanka kasoo wada jeedaan Kornayl Caare. Waxay ka difaacday Caarre arinta Wasiir kaahin, Waxaana ay sheeegtay inaanay waxaasi waxba ka jirin ee uu Caare yahay nin muwaadin ah oo Somaliland jecel oo duday oo cabanaya islamarkaana cadaalad daro tirsanaya, noocay doonto hanoqotee, waxaanay meel adag ka istaagtay inaan arinta sidaasi loo dhigin iyadoo ka digtay dooda Wasiir Maxamed Kaahin inay fidmo kale sii abuurto.

Wararka Foore helay ayaa sheegaya in madashaasi buuq iyo qaylo isku badeshay islamarkaana ay wasiiradda goobta fadhiyay qaab deegaan ula kala safteen Labada Wasiir ee haddalku ka taag taagmay.

Comments

comments