Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon Oo Markii Saddexaad Maxkamad La Soo Taagey

0
549

Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon ayaa maanta markii saddexaad la soo taagey maxkamadda Gobolka Maroodijeex ee Hargeysa, iyadoo maanta qorshuhu ahaa in qareennadiisu ay ka difaacaan eedaha loo soo jeediyay.

Hase ahaatee qareennada Coldoon ayaa codsaday in la siiyo wakhti ku filan oo ay ku soo diyaarsadaan difaaciisa.

Waxaana loo ballamay fadhiga kan xiga afarta bisha July.