Dawladda Soomaaliya Oo Diiday La Hadalka Somaliland + Shir Maanta Ka Furmayay Magaalada Nairobi Oo Fashilmay

0
633

Dawladda Soomaaliya ayaa diiday ka qayb galka shir u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya oo maanta ka dhici lahaa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Ma cadda sababtu laakiin, agaasimaha madaxtooyada Soomaaliya Dr Nuur Diiriye ayaa boggiisa Twitter-ka ku soo qoray in aanay shirkaasi ka qayb galayn laakiin, ay ka go’an tahay wada hadal ay Somaliland la yeeshaan marka la helo wakhti ku haboon, madal ku haboon iyo ajande ku haboon.

Dawladda Kenya iyo Soomaaliya ayuu ka dhexeeya xidhiidh sii xumaanayay muddooyinkii u dambeeyay mana cadda sababta Soomaaliya shirkan u diiday.

Shirka waxa qayb weyn ka ah beesha caalamka waxaana la filayay in uu hor dhac u noqdo kulamo ay wada yeeshaan Somaliland iyo Soomaaliya.