“Dadka Reer Somaliland Waxaan Ugu Baaqayaa Inay Hormood Ka Noqdaan Midnimada Iyo Wadajirka Soomaaliya…” Farmaajo Oo Mar Kale Baaq U Diray Somaliland

0
603

Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa ku baaqay in dib loo bilaabo wadahadaladii u dhaxeeyay Somaliland iyo Soomaaliya.

“Waxaan mar kale ku baaqayaa ama ugu baaqayaa in wadahadaladii Soomaliya iyo Somaliland aan dardargalino, waxaan ku soconaa muddo 30 sanno ah oo umadda Soomaaliyeed uu waqti badan ka lumay gaar ahaan dhalinyarada”,ayuu yidhi madaxwayne farmaajo.

Madaxwaynaha ayaa farta ku fiiqay sida ay lagama-maarmaanka u tahay in la isu xog waramo si loo daaweeyo ayuu yidhi nabaradii duruufihii adkaa ee la soo maray.

Madaxwaynaha dowladda Fedaraalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo ayaa ugu baaqay in shacabka Soomaaliland sidii ay hormuudka uga ahaayeen midnimadii labada dhinac ay imikana hormuud u noqdaan midnimada dalka Soomaliya.

“Haddii dadka Waqooyi hormuud u ahaayeen dareenka gobonnimo-doonka iyo wadaniyadda,waxaan ugu baaqayaa inay hadda hormuud ka noqdaan midnimada iyo wadajirka soomaaliya”,ayuu intaa ku daray madaxwaynaha.