Shirkaddaha Dahabshiil Group oo lagu Abaalmariyey doorkii ay ka qaateen Shirweynaha Hay’addaha Maaliyadda ee Somaliland

0
723

Shirkaddaha Dahabshiil Group ayaa lagu abaalmariyay doorkii ay ka qaateen Qabsoomida Shirweynihii Bangiyada iyo Hay’addaha Maaliyadda ee Somaliland iyo Carwada Bandhiga Adeegyada Maaliyadeed ee 2da maalmood ka socday Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa, iyada oo Shirkaddaha Dahabshiil Group si wayn uga dhex muuqdeen carwada barbar socotay shirkan lagu soo gabogabeeyay magaalada Hargeysa ee lagu darsayay horumarinta hannaanka maaliyadeed ee Somaliland.

Dahabshiil Group ayaa shirkan qabsoomiddiisa ku lahayd door maal-galineed iyo kaalintii ay ku lahaayeen ka qayb-qaadashada Carwadii lagu soo bandhigayay Adeegyada Maaliyadeed ee Somaliland oo Shirkaddu ku soo bandhigtay adeegyo badan oo casri ah, waxaana si wada jir ah u guddoonsiiyay Abaalmarintaasi Shirkaddaha Dahabshiil Group Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaaan Cabdillaahi Saylici, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dr. Saad Cali Shire iyo Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland Mudane Cali Ibraahim Ibraahim Jaamac.

Shirkaddaha Dahabshiil Group ayaa carwada ku soo bandhigay horumarka ay ka sameeyeen Adeegyada Maaliyadda gaar ahaan qaybaha Bangiga iyo Adeega Mobile-ka Lacagta la isugu diro (eDahab) ee Shirkadda Isgaadhsiinta ee Somtel.

Fu’aad Axmed Nuux oo ka mid ah masuuliyiinta sare ee Shirkadda Dahabshiil ayaa sheegay in Dahabshiil Group ku soo bandhigtay carwada adeegyo cusub oo ay ka mid yihiin:-

  1. Maalgalinta Dahabshil Bank International oo laba nooc, maalgelinta ganacsatada waawayn iyo maalgelinta ganacsatada yaryar (MicroFinance), iyada oo Dahabshiil u qoondaysay ganacsatada yaryar inay helaan adeeg maalgelineed oo noociisu aanu hore uga jirin wadanka.
  2. Adeega DahabPay (Online Banking Portal) oo u suurto-galinaya macaamiisha Xisaabaha ku leh Dahabshiil inay Xisaabtooda ka maamulan karaan Kombuyuutarkooda si online ah iyada oo la siinayo Ciwaan iyo fure (User & Password) u suuro gelinaya in ay lacag dhigtaan, kala baxaan ama meelo kale u xawilaan meel kasta oo ay dunida ka joogaana ay xisaabtooda kala bixi karaan lacag xilli kasta.
  3. Waxa kale oo adeegyada cusub ee Shirkadda Dahabshiil soo bandhigtay ka mid ahaa adeega Online Shopping-ka ee eDahab oo u suurto-galinaya macaamiisha haysata Simcard-ka Somtel iyo adeega eDahab inay online ahaan ugu iibsan karaan Mobile-kooda adeegyo caalami ah sida tigidhka Shirkadda Diyaaradaha Itoobiya (Ethiopian Airline ticket) iyo shirkado kale oo adduunka oo dhammaantood aad wax kaga iibsan karto Mobile-kaaga Somtel halkii aad ka isticmaali lahayd Master Card ama Visa Card.
  4. Waxa kale oo Shirkaddu soo bandhigtay adeega Mobile Money Transfer oo macaamiisha adeega eDahab u suurto-galinaya inay Xawaallad uga diri karaan Mobile-kooda in ka badan 120 Wadan oo Adduunka ah iyaga oo adeegsanaya furaha Dirida Lacagta (Short code) ee *700#.

Ugu dambayntii Shirkadda Dahabshiil waxa ay ugu bushaaraysay macaamiisha aanay u suurto-galin inay adeegyadaasi qaataan maalmihii Carwadu socotay inay ka heli karaan adeegyadaasi dhammaan Xarumaha Dahabshiil.