Xisbiga WADDANI Oo Ku Gacan-saydhay Martiqaad Uga Yimid Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Sababaha Ay Ku Diideen Oo Ay Ka Warrameen

0
104

Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ayaa Ganafka Ku Dhuftay Codsi Uga Yimid Guddida Doorashooyinka Somaliland, Codsiga ka yimid guddida doorashooyinka ayaa la xidhiidhay martiqaad ay u direen xisbiyada siyaasadda, golaha wakiillada, wasaaradda arrimaha gudaha, ururada bulshada iyo daneeyayaasha kale ee doorashooyinka iyaga oo ku wargeliyey inay ka soo qayb galaan munaasibad lagu soo bandhigayo tayeyn lagu sameeyey hanaanka farsamo ee diwaan-gelinta codbixiyayaasha doorashooyinka.

Halkan hoose ka akhriso warqado ay is dhaafsadeen guddiga doorashooyinka iyo xisbiga WADDANI

Comments

comments