Weriye Coldoon Oo Maanta La Soo Taagay Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex

0
581

Dhageysiga dacwadda weriye Cabdimaalik Muuse Coldoon, ayaa maanta ka bilaabmatay maxkamadda gobolka Maroodijeex ee magaalada Hargeysa.

Weriyaha ayaa lagu soo eedeeyay qoraallo uu ka qorey dugsiga Abaarso ee ku yaalla galbeedka magaalada Hargeysa, iyo qoraallo kale oo la sheegay in uu dhibbane ka yahay Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Eedaha la xidhiidha dugsiga Abaarso ee loo haysto weriye Coldoon ayaa waxaa iyagana dhibbane ka ah laba ka mid ah shaqaalaha dugsiga Abaarso, kuwaasi oo kala ah Xamse Faysal Cabdi iyo Jin Doud SGsaki.

Coldoon ayaa in ka badan laba bilood xabsiga Hargeysa ku jira.