Askari Ka Tirsan Ciidammada Millatariga Somaliland Oo Xalay Lagu Dilay Magaalada Hargeysa

0
534

Laba askari oo ka wada tirsan ciidamada qaranka somaliland ayaa xalay dil iskugu gaystay degmada Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa.

Wararka ayaa sheegaya in laba askari oo ka mid ah ciidamada qaranka Somaliland ay rasaas isku waydaarsadeen agagaarka xanaanada TB-da ee degmada Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa, rasaastaas ayaa keentay in mid ka mid ah askarta uu dhaawac culus oo uu u geeriyooday soo gaadho, halka askarigii kalana ka baxsaday goobtii uu dilka ku gaystay.

Sidoo kale wararka ayaa sheegay inaan wali gacanta lagu dhigin askariga dilka gaystay,waxaanay wararku xaqiijiyeen in labadan askari ay isku haysteen dhul loo qaybiyey ciidamada qaranka oo ku yaalla degmada Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa, waxaana askariga la dilay lagu magacaabi jiray Ina Daadays, halka askariga dilka magaciisa lagu soo koobay Dacar.

Taliska guud ee ciidamada qaranka somaliland ayaan ilaa hadda ka hadal falkan dhacay, iyada oo maydka askariga dhintayna la geeyey cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa.