“Xarunta Mucaaradka Farmaajo Oo Waxa Noqonaysa Magaalada HARGEYSA….” Warbixin Uu Qoray Wargeyska Caanka Ah The Indean Ocean

0
506

Warbixin uu qoray Wargeyska The Indean Ocean oo soo baxday maanta oo jimce ah, ayaa lagu sheegay in magaalada Hargeysa ay noqon doonto sannadka 2020ka marka ay dhacayaan doorashooyinka madaxtinnimada Soomaaliya goob dhaqaalaha imaaraadka iyo Sucuudiga ka imanaya loogu qaybiyo musharraxiinta ay wataan.

Warbixinta waxaa lagu sheegay in olole ka dhan ah madaxweyne Farmaajo laga abaabuli doono magaalada Hargeysa, xilliga ay qabsoomayaan doorashooyinka 2020ka.

Qorshahan ayuu wargeysku sheegay in uu magaalada Hargeysa u yimid safiirka dalka Sucudiga u qaabilsan Soomaaliya Maxamed Khayat, labadii bishii May ee sannadkan.

Warbixintu waxaa kale oo ay xustay in Maxamed Kaahin Axmed oo ay ku sheegtay raysal-wasaare uu kulan qarsoodi ah kula yeeshay magaalada Nairobi siyaasiyiinta ka soo horjeeda madaxweyne Farmaajo.

Kulanka qarsoodiga ah ee Nairobi ay ku yeesheen mucaaridka dawladda Farmaajo iyo wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa waxaa la iskula qaatay in la go’doomiyo siyaasad ahaan iyo diblomaasiyad ahaan ba xisbiga mucaaridka ah ee Waddani.

Ugu dambeyntii, haddii xulafada mucaaridka ku ah Farmaajo ay ku guulaysato doorashada madaxtinnimada Soomaaliya waxaa diblomaasi ahaan ay Kenya aqoonsan doontaa Somaliland, taas baddelkeedana waxaa dawladda cusub ee Soomaaiya ay Kenya kala shaqeyn doontaa xallinta khilaafka badda.