Barnaamijka Shaqo Qaran, Wuxuu U Baahanyahay Fikir Qaran

0
291

Waxa dhawaan la soo gebo-gebeeyey barnaamijka sida wayn dawladdu iskaga xil saartay ee Shaqo Qaran oo tabo-bar lagu siiyo 1,500 qof oo qaab tartan furan ah looga soo kala xulay gobolada dalka oo dhan. Dadka tabo-barka qaatay qaybtooda ragga ah waxa la siiyay tabo-bar ciidan. Hanaanka caynkaas ah oo u eeg midkii dawladda Kacaanka ee Maxamed Siyaad Barre ay ku ciidamayn jirtay dhalinyarada ka baxda dugsiyada sare ka hor intaanay gelin jaamacadaha, dad badan ayaa soo dhoweeyey in qaabka lagu qoray uu ahaa tartan ee aanu ahayn eexaysi iyo garabsi hoose.

Waxa soo baxday qalinjebintii in qorshaha tabo-barka aanu la socon istiraajiyad balaadhan iyo qorshe taabanaya habka iyo sida laga yeelayo marka ay dhamaystaan tabo-barka iyada oo laga duulayo faa’iidada ay u yeelan karaan dalka iyo dadka. Waxa la shaaciyay in loo kala qaybinayo wasaarado kala duwan oo ay Wasaaradda Waxbarashadu qaadanayso inta u badan. Taasi waxaay su’aal ka keentay sababta loo siiyay tabo-bar ciidan, hadii aanay ciidan u shaqaynayn? Iyo sida ay wasaaradaha oo marka hore ba shaqaaluhu ku badnaa (over staffing) ay u qaadi karaan shaqaale hor leh oo aanay iyagu xisaabta ku darsan?

Waxay haboonayd in loo qaybiyo dhalinyaradaas qaybaha kala duwan ee ciidanka si ay u geliyaan dhiig cusub, aqoon cusub iyo hal abuurka da’ yartu leedahay. Ciidamadu wuxuu ka mid yahay meelaha aduunka sadexaad oo dhan ay ku yar tahay dadka waxbartay inay u shaqo tagaan. Sidaasdarteed, waxa mar walba daruuri ah in laga shaqeeyo sidii dad aqoon yahan ah oo wax wayn ku kordhin kara loogu dari lahaa. Shaqo Qaran waa fursad fiican oo ciidanka kala duwan sida Ciidanka Qaranka iyo Booliiska loogu heli karo dhalinyaro jaamiciyiin ah, tabo-bar gaar ah qabta islamarkaana leh xidhiidh dadwayne iyo aqoon shacab oo si balaadhan u fidin karta hab fekerka iyo shaqo fulinta ciidamada oo haya shaqo daruuri u ah dadwaynaha. Dhalinyarada barnaamijka ka baxday waxaay barteen qaybo kala duwan oo cilmi.

Matalan hadii tirada sarakiisha jaamaciyiinta ah ee ku jira Booliisku ay kordhaan, waxaay faa’iido wayn u yeelan kartaa in Booliisku uu sii casriyeeyo shaqadiisa iyo inuu si wayn u kobciyo xidhiidhka dadwayne, gaar ahaan dhalinyarada. Si taas la mid ah ayay qaybaha kale ee ciidanku uga faa’iidayaan.

Su’aasha kale ee weli u baahan jawaabtu waxaay tahay: sanad walba barnaamijka shaqo qaran miyaa la qabanayaa?

Barnaamijku lacag ahaan dawladda qarash iyo dadaal badan ayaa ka gala. Waxa markaa daruuri ah in si climiyaysan oo ku qotonta istiraajiyad cad oo qoran in loo wajaho. Waa in la yaqaan qof walba dadaalka iyo maaliyadda gelaysa iyo waxa guud ahaan barnaamijku ku soo kordhin doono shacabka (outcome) lagu fuliyay hawsha cashuurtiisa. In tiro dhalinyaro ah la tabo-baro waa maxsuul dhow (output), balse inay faa’iido u keeneen iyo is-bedel shacabka waxaay u baahan tahay in la sameeyo qiimayn iyo warbixin.

Waxa sidoo kale u furan dawladda inay kala tashato dhaqaalayahanka habka u fiican ee shaqo abuur loo samayn karo. Ma jirto aduunka meel dawladda shaqalaysiinteeda ay ku daboosho shaqo la’aanta. Aqoon yahan badani waxaay qabaan in badinta dadka shaqaalaha u ah dawladdu ay keento in dawladdu ay lacagteeda badankeeda ama in badan oo ka mid ah ku bixiso mushahar oo ay awoodi kari waydo inay qabato hawlaha iyo adeegyada dadku ka rabo. Waxaay sidoo kale keeni kartaa in tirada shaqaalaha ah ee goob ka shaqeeya iyo shaqada taal ay kala bataan, taas oo hoos u dhigta shaqada ay goobtaasi fuliso.

Sidaasdarteed, talada biyo kama dhibcaanka ahi waxaay tahay in dawladdu samayso istiraajiyad shaqo abuur oo ku dhisan talada aqoon yahanka dhaqaale ee dalka si loogu helo maaro waarta shaqo la’aanta balaadhan ee haysta dhalinyarada dalka oo tiro ahaan sii kordhaysa. Si taas la mid ah ayay haboon tahay in dawladdu wax ka bedesho nidaamka aqoonta jamaacadaha si ay u noqdaan kuwo soo saara shaqaalaha suuqu u baahan yahay.

Comments

comments